Xog: LAFTA-GAREEN oo fashiliyey qorshihii DF ee doorasho hal dhinac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan ismari-waaga doorashada soo socota ee 2021-ka, waxaana fashil wajahaya qorshihii dowladda federaalka ee ahaa inay doorashada Aqalka Sare ka billowdo saddexda maamul goboleed ee taageersan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qorshaha ay dowladda ku billaabeyso doorashada ayaa shaqeyn wayaey kadib isbeddel ku yimid maamulka Koonfur Galbeed oo ku hormari lahaa kaasi oo ay ku xigi lahaayeen maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo Villa Somalia kula socda qorshahan halka dhinac ah.

Fashilka ku yimid qorshaha Farmaajo ee doorashada ayaa waxaa loo aaneynaya cago-jiid ka yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, kaasi oo uu qorshaha uu ahaa inuu billaabo doorashada.

Lafta-gareen ayaa diiday inuu doorashada ku hormaro isaga oo ka cabsi qaba in haddii sidaas sameeyo oo ay ku xigsan waayaan Galmudug iyo HirShabelle uu ceeb la kulmi karo, maadaama ay adag tahay in labadaas maamul oo ay ku xooggan yihiin Hawiyaha ay doorasho ka dhacdo.

Madaxda dowlad goboleedyada ee taageersanaa qorshaha dowladda ayaa waxay sidoo kale wajahayaan cadaadis uga yimid Beesha caalamka, kaasi oo ku aadan doorashada uu muranka ka taagan yahay ee ay ku taageersan yihiin madaxda dowladda federaalka.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Yamamoto ayaa uga digay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safiirka ayaa sidoo kale ka digay gacan ka hadal.

Dhinaca kale James Swan oo maanta ka hadlay Dhuusamareeb kadib markii uu la kulmay Qoor Qoor ayaa yiri “Waxaan mar kale ku celiyey aragtida saaxiibada caalamiga ee ah in heshiis iyo wada-shaqeyn lagu hormarinayo waxa u wanaagsan dalka ay tahay waxa iminka looga baahan yahay Soomaalida, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay kusii taagnaato waddada nabadda iyo xasilloonida.” 

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku wada-hadlayaan, si doorashooyinka qaranka loo qabto ayada oo heshiis lagu wada-yahay, salna looga dhigayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana ay xoojinayaan daah-furnaan, caddaalad iyo u wada-dhamaansho.”