Jubbaland oo war cusub ka soo saartay xariga Janan iyo xayiraadda Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa kasoo baxay qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xarigii loo geystay wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Xayiradii ay Dowladda Soomaaliya saartay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

Shirkaan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa shir guddominayey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ugu baaqay in khilaafka iyo tabashooyinka ka jiro Jubbaland lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda.

Golaha Wasiirada Jubblanad ayaa sidoo kale cambaareeyey xariga Sharci darada ah ee loo geystay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

Xariga Janan ayaa imaaday xilli Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay iyadoo sheegtay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu ka laabtay Dacwadaas.

Golaha ayaa shirkooda ku sheegay in cawaqibka ka dhasha xariga loo geystay Janan ay mas’uuliyadeeda qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay xayiraadii la saaray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kadib markii ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradaha u socdo iyo kuwa ka imaado Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa labadaan arrin u saaray guddi ka kooban 7 Wasiir, waxaana guddigaas loogu baaqay inay xal deg deg ah u keenaan Xayiraadda Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xariga Wasiir Janan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com