Jurule ‘’Waxaan wadnaa qorsho aan waligii lagu fakerin oo lagu qabanaayo hal munaasabad’’

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Xaflada furitaanka Munaasabada Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Somalia Xildhibaan C/risaaq Jurile, ayaa ka hadlay qaban qaabada munaasabada furitaanka.

Xildhibaan C/risaaq Jurile, ayaa sheegay inay wadaan qorsho wanaagsan oo lagu furaayo munaasabada waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in la sameeyo munaasabad kaduwan kuwii hore.

Xildhibaan C/risaaq Jurile, waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in 10-ka Bisha si rasmi ah loo furo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

Waxa uu Xildhibaan C/risaaq Jurile, sheegay in hal madal lagu qabanaayo xaflada furitaanka, isla markaana ay si wada jira uga soo wada qeybgali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaanka ayaa yiri “Guddoonka Labada aqal waxay magacaabeen guddi labada aqal ka kooban oo Toban Xubnood ah guddigaasi markuu kulmay waxay ii doorteen inaan Guddoomiye u noqdo’’

Waxa uu intaa raaciyay ’’Waxaan go’aaminay oo aan isku raacnay Furitaanka kalfadhiga Sedexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu noqdo 10-Maarso, isla markaana Hal xaflad iyo Hal madal lagu furo Kalfadhiga sedexaad ee Labada aqal”

Isagoo haddalkiisa siiwata ayuu yiri “Waa markii ugu horeysay Kalfadhi wadajir ah uu yeesho Baarlamaanka labadiisa aqal oo loo sameeyo Hal xaflad Madaxweynahana uu khudbad ka jeediyo, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mid weeye, labo aqal ayuuna ka kooban yahay’’

Xildhibaan C/risaaq Jurile, ayaa sheegay in guul ay u noqon doonto haddii sida loogu tallo galay ay ku qabsoonto munaasabada.

Geesra kale, Xildhibaan C/risaaq Jurile, ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in labada Gole ay hal goob kuwada qabsadaan munaasabada furitaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com