Mareykanka oo digniin kasoo saaray in dekadda Jabuuti laga howlgalsho Shiinaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay Go’aanka ay dowlada Djbouti dekadeeda uga ceyrisay Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka Shirkada DP World looga wareejiyay Dekadda, waxa uuna tilmaamay in Heshiiskii Shirkada DP World lagu wareejinaayo shirkad Shiinaha laga leeyahay.

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Djibouti ayaa sheegay in Go’aanka Djibouti ay kusoo dhaweysaneyso Shiinaha ay ciidamada ku muteysan karaan cawaaqib kala duwan.

Jeneraalka waxa uu sheegay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinaha uu la wareego dekada DJibouti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World.

Waxa uu Jeneraalka sheegay in Shiinaha uu halis ku yahay Ganacsiga Africa sidaa aawgeed ay muhiim tahay in Djibouti ay ka fiirsato Heshiiska DP World ay ku joojisay, isla markaana ugu wareejineyso shirkad cusub.

Djibouti ayaa bishii hore DP World ka wareejisay maamulka dekada Dooraale ee ay kasoo degaan qasacadaha qafilan ee xamuulka (kunteenarada), iyada oo sheegtay in shirkadda ay xalin weysay muran soo jiitamayay illaa sanadkii 2012-kii.

Sidoo kale, maamulka Shirkada DP World ayaa go’aanka dowladda Djibouti ku tilmaamtay mid sharci daro ah, waxayna dacwad ka furatay maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhexaadinta London.

Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa aad uga walaacsan in Shiinaha uu la wareego Dekadaha ugu dhaqaalaha badan ee Qaarada Africa, waxaana kala dhexeeya is maqiiq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com