Juxa ” Dalka wuxuu soo maray Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda qaran dumis”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka  ee xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay koox kaliya aysan Soomaaliya isku koobi karin oo keligeed og meesha loo guurayo.

Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayuu farriin cad u diray hoggaanka dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre  isagoo sheegay in loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho, wuxuuna adeegsaday ereyada Wadaad iyo Qarandumis.

Wasii Juxa ayaa farriintiisa ugu danbeysay ee xil ka tegistiisa ka dhigay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin. “Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama Qaran-dumis” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa oo dhowaan xilka laga qaaday.

Waxaa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed, balse si Soomaalinimo loo baahan yahay in loo gaaro xalka.

“Intii Burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

4-tii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana hadal kooban uu bartiisa uu ku qoray markii xilka laga qaaday ku sheegay inuu ka maqlay idaacadaha.

Dhageyso Khudbaddii Juxa ka jeediyay munaasabaddii uu xilka ku wareejinayay:-