Sir Culus:  Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dood iyo muran badan ayaa ka taagan lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, taasoo ka mida kuwa ugu qaalisan dunida ee xujey ay bixiso.

Arrintan oo gaartay Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa weliya in Soomaalida xajineysa ay yihiin kuwa ugu adeeg liita marka la goojo xaramka, haddana dabagal ay Caasimadda Online  ku sameysay arrintan ayaa waxaa soo silsilad isku xiran oo qeybsada lacagahan.

Silsiladda ku shirkoobay dhiig miirashada xujeyda Soomaalida ayaa u taxan sida soo socota:

AMIIR SACUUDIYAAN AH

WAKIIL SOOMAALI AH

SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO)

WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA

Qeyb waliba oo silsiladan kamida ayaa dhaqaale ka heshaa lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaan fure u ah wakiilka Soomaalida iyo shirkadaha qandaraaska aan dhicin ku heysta xujeyda Soomaalida.

AMIIR SACUUDIYAAN AH

Waa halka ugu muhiimsan ee ay ka xiran tahay silsiladan, iyadoo muddo sanado ah ay socoto, Amiirkan iyo saaxiibadii ayaa heshiis dhex maray wakiil Soomaali ah, kaasoo qandaraas ku qaatay in dadgureynta Xujeyda Soomaalida.

Amiirkan iyo dadka la shaqeeya oo awood ku leh Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaa suuragal noqon weyday in qandaraaskan laga wareejiyo wakiilka uu Soomaaliya heshiiska la galay ama xitaa diyaarado kale la siiyo.

Dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kala hoggaaminayeen ayaa isku dayay in shirkado diyaaradeed oo kale wax laga siiyo qandaraaskan, kaasoo lagu fashilmay markii amiirka Sacuudiyaanka ah ka hor yimid.

2- WAKIIL SOOMAALI AH

Wakiilkan waa ninka lagu magacaabo Abuukar Alkowthar waa ganacsade mukhalas ka ah xajka oo amiirka Sacuudiga ah qandaraaska kula jira, wuxuuna Sacuudiga wakiil uga yahay shirkadda Jubba Airways, iyadoo la sheego inuu ka mid yahay ganacsatada qeybta ku leh shirkadda.

3- SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO)

Qandaraaska Xajka waxaa heysata Shirkadda Jubba Airways oo uu leeyahay Ganacsade Saciid Nuur Giriish oo hadda noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedreaalka, kaasoo lacag aad u fara badan ku bixiyay kursigan, waxaana qeyb laga siiyay shirkadda Daallo oo muddooyinkan danbe hoos u dhacday.

Waxaa xusid mudan kadib markii ay bateen qeylo dhaanta xujeyda Soomaalida iyo wararka warbaahinta in Xildhibaanka ganacsadaha ay uu xilligan qorsheegay olole lagu soo bandhigyo dad xujey ah oo sheegaya inay adeeg fiican ku heystaan xajka, iyadoo la adeegsanayo Wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta oo howshan loo xil saaray.

4- WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA

Sanad kasta xilliga xajka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay heshaa lacago laaluush ah oo laga siiyo lacagaha laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaana la qiyaasay in $200,000 ilaa $300,000 uu wasiirku ka helo xaj kasta, taasoo ku xiran is afgaradka dhex mara Shirkadda Jubba Airways iyo isaga si loo helo ogolaashaha dowladda.

GABAGABO

Adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaalida ayaa ah kuwa ugu liita guud ahaan xujeyda tagta Beyt-ka Alle, waxaana heysta dayac weyn oo keenay in sanad kasta wax la iska weydiiyo ganacsiga heerkan gaaray ee lagu dhiig miirto xujeyda Soomaalida.

Lacagta qofka caadiga ah ee xajinaya laga qaado waxay sanadkan gaartay $3800 doolar, iyadoo dadka gaarka ah ama loo yaqaan VIP-da laga qaado $5000. Kharashka guud ee xaj kasta kooxdan isbaheysatay wuxuu gaarayaa 40 Milyan oo doolar, waxaana kala bar si toos ah u qaata shaqsiyaadka sare ku xusan oo ay hormuud u tahay Shirkadda Jubba Airways, tiiyo aanay bixin adeegyadii ay lacagtaasi ku qaateen intoo badan, kuwaasoo oo kala ah:

  1. Tikidhka Diyaaradda = $600
  2. Soo saarista Fiisaha Xajka.
  3. Safarka Makka ilaa Madiina
  4. Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina
  5. Hagista xujaajta oo hoggaaminayaan dad khibrad u leh.
  6. Baraarujin iyo Muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimadii Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com