Iiraan oo sheegtay in burcadbadeedda soomaalida la maalgaliyo si awooddeeda dhaqaale loola diriro

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada badda ee wadanka Iiraan ayaa sheegay xilli uu ka hadlay xaflad soo dhaweeyn aheed oo loo sameeyay cutubyo katirsan ciidamada badda Iiiraan, kadib markii ey soo afjareen sahan  dhanka badda ah oo ciidamada Iiran ey ka wadeen badda caalamiga ah oo 67maalmood soconayay eyna ka qeyb qaateen 49 markiib iyo doonyo isu jiray.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ey jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xogba isu jirta ugu tabaruca kooxahan kuwaa oo ujeedkood yahay sidii ey ucuuryaamin lahaayeen dhaqaalaha wadanka Iiraan, balse ey iyaga xogtaan siiba heleen kal hore.

Waxa uuna intaa ku daray in burcadddi badaha ee kal hore awoodda badneed ey asaaseen wadamo cadaw ku ah Iiraan.

Ciidamada wadanka Iiraan ayaa waxa ey kusoo biireen howlgalkii ladagaalanka Burcad badeeddii soomaalida sanadkii 2008dii ee ka soconayay xeebta dheer ee dalka iyo waliba biyaha caalamiga ah.

Iiraan oo dhaqaalaheedu ku xiranyahay gacanta beershiya ayaa intii ey xooga badan ku taamayeen kooxaha burcad badeedda ey dhibaato badan ku hayeen dhaqalaah wadanka Iiraan iyada oo xilligaa saliidda qeyriin iyo shidaalkii ey dhoofin jirtay Iiraan uu hoos udhac ku yimaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com