Caddeyn: Khilaafkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia iyo kan G/Banaadir oo Xal laga gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii ka jiray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana qoraalkan lala socodsiiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Wasaarada Ganacsiga ayaa ka laabatay kala diristii Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo jiritaankeeda la baabi’iyay bishii Agoust ee sanadkii hore, waxa ay sidoo kale Wasaarada si KMG ah ugu aqoonsatay Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir  .

1-Cabdi Naasir Cali Maxamed : Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir

2-Cali Xasan Warsheekh :Gudoomiye kuxigeenka Koobaad

3-Mahdi Xasan C/Raxiim : Gudoomiye kuxigeenka Labaad

Halkan ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com