JUXA oo khiyaano qaran ku eedeeyey Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay qaddiyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, balse la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyoga dalka Itoobiya.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay ka weyn tahay khiyaano, isla-markaana ay khatar ku tahay jirtaanka Ummadnimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo,” ayuu yiri wasiir hore Juxa.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay arrintan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, isaga oo xusay inay tani ka reebi karto inay markale u tartaamaan xafiis guud oo dowladeed.

“Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah,” ayuu markale yiri Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay sidoo kale  cirka isku sii shareereysay walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda loo qaaday dalka Eritrea , kadib markii ay soo baxday warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in askar Soomaaliyeed laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Halkan hoose ka aqriso:

Tani Khiyaano ka weyn:

Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.

Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.

Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

#Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.