Dibadbaxyo lagu dalbanayo caruurtii la geeyey Eritrea oo ka dhacay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta, iyaga oo ilmeynayey ayaa ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ka hadlo arrintan, si ay helaan xogta rasmiga ah ee ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada la geeyey Eritrea.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, si ay u kala dareeriyaan dibad-baxayaasha oo maanta si nabadoon isugu yimid isgoyska KM4.

Walaaca waalidiintan ayaa sii kordhay, kadib markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaateen dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale iyaguna si adag uga hadlay arrintan, iyaga oo shaaca ka qaaday in la iibsaday caruurtaasi, isla-markaana ay mas’uuliyadda qaadi doono madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee dowladda.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan xaaladda dhalinyaradaasi.

Si kastaba askarta loo qaaday Eritera ayaa maqan muddo labo sano ah, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca laga muujinayo xaaladda dhalinyaradaasi.