Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si lama filaan ah loogu qasbay wadahadal ay la furaan Iran

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo garowsaday in dib loo soo nooleyn doono heshiiski Nukliyeerka Iran ee ay horey uga soo horjeesteen, ayaa wada-hadallo kula jira Tehran, si loo xakameeyo xiisadda, ayaga oo sidoo kalena u ololeynaya in wada-hadallada mustaqbalka ay qeyb ka noqdaan walaacyadooda amni.

Quwadaha adduunka ayaa Iran iyo Mareykanka wada-hadallo kula leh magaalada Vienna si dib loogu soo nooleeyo heshiikii 2015 ee Tehran ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayada oo dhaasaneysa in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah.

Maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiska, kaasi oo Washington ay ka baxday markii uu madaxweyne noqday Donald Trump.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeyey inay qeyb ka nqodaan wada-hadallada Vienna, hase yeeshee waa lagu gacan seeray.

Intii ay sugi laheyd natiijada wada-hadalladaas, Riyadh ayaa aqbashay hindise bishii April ka yimid Iraq oo ah inay dhex-dhexaadiso saraakiisha Sacuudiga iyo Iran, sida ay laba il-wareed oo xog-ogaal ah u sheegeen Reuters.

Sacuudiga ayaa walaac uu soo food saaray kadib markii goobaheeda shidaalka lagu qaaday weerar khasaare xooggan gaystay oo ay ku eedeysay Iran. Iran waa ay beenisay eedeymahaas.

Imaaraadka, ayaa dhankoodana xiriir joogto ah la lahaa Iran dhowaanahan, ayaga oo isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda, tan iyo markii xeebaheeda lagu weeraray markab shidaal, sanaddii 2019, sida ay sheegeen il-wareedyo ku sugan gobolka.

Muhiimadda dalalka Khaliijka ayaa hadda ah inay diiradda saaraan dib usoo kabashada dhaqaalahooda kadib markii uu la degay cudurka COVID-19. Hase yeeshee hubintada dhanka amniga ayaa qeyb ka ah dib usoo kabashadaas.

Reuters + VOA