Kaalinta ay Soomaaliya ka gashay dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eegayo dhinaca taranka ee waddan kasta, lammaanuhu waxa uu u baahan yahay in ay u dhashaan ugu yaraan labo carruur ah, taasoo ah celcelis ahaan 2.1, si aysan hoos ugu dhicin tirada guud ee shacabkooda, iyadoo aysan xisaabta ku jirin dadka ka qaxaya waddankaas.

Lixdankii sano ee lasoo dhaafay aad ayay hoos ugu dhacday tirada taranka bani’aadamka, sida ay shaacisay Hay’adda Wadashaqaynta Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD).

Kuuriyada Koonfureed ayaa noqotay dalka ay tirada ugu yar ee carruurta ah ku dhashaan, marba marka ka dambaysana tiradaas ayaa hoos u sii dhacaysa.

Hase ahaatee, Soomaaliya waxay meel sare uga jirtaa liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan, sida ay muujisay xog-ururin ay sameeyeen hay’adaha World Population Review iyo Macro Trends.

Xogtan waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lafteeda ay tirada carruurta dhalanaysa sii yaraaneyso sanadba sanadka ka dambeeya.

Tusaale ahaan, sanadkan 2022 celcelis ahaan dhalashada carruurta Soomaaliya waxay ahaayeen 5.753 cunug haweeneydiiba, tiradaas oo boqolkiiba 1.57 ka yar tii sanadkii ka horreeyay ee 2021.

Sanadkii 2020, celcelis ahaan tirada carruurta ku dhalatay Soomaaliya waxay ahaayeen 5.936 haweeneydiiba, waxayna boqolkiiba 1.53 ka yarayd tiradii 2019-kii oo ahayd 6.028 dhalasho haweeneydiiba.

Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan ayay Soomaaliya kasoo gashay kaalinta labaad, waxaana ka sarreeya waddanka Niger oo keliya, sida lagu qeexay xogta labada hay’adood ee kala ah World Population Review iyo Macro Trends.

Inkastoo ay ku kala duwan yihiin dalalka, haddana labada hay’adoodba waxay ka siman yihiin in tobanka sare ay yihiin waddamo ku yaalla Afrika.

Dhimashada dhalmada la xiriirta ee Soomaalida

Bankiga Adduunka, oo qiimayn ku sameeya tirada taranka caalamka iyo arrimaha kale ee la xiriira ayaa sheegay in dumar badan oo Soomaali ah ay dhintaan xilliga dhalmada.

Balse, tobankii sano ee lasoo dhaafay ayay hoos u dhacday dhimashada hooyooyinka Soomaaliya, xilliyada foosha.

Sanadkii 2000 waxaa Soomaaliya ku dhintay 1,210 dumar ah oo umul raacay, halka tiradaas ay 2017-kii hoos ugu dhacday 829.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada hooyooyinka Soomaalida ay ka badan tahay kuwa dalalka kale ee gobolka.

Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay kaalinta labaad ka gashay liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhintaan xilliga dhalmada ama sanadka ugu horreeya marka ay dhashaan kaddib, sida ku cad xog uu shaaciyay bogga tirakoobyada ee Statista.

Inta badan dhimashooyinka la xiriira dhalmada ee ka dhaca Soomaaliya waxaa sababa arrimo laga hortagi karo sida lagu sheegay warbixin ay sameeyeen hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo nafaqada oo ay 2020-kii daabacday Trocaire. Haween badan waxay dhibaatooyin kala kulmaan xanuunnada ku dhaca xilliyada uurka.

Isha: BBC Somali