Daawo: Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka furaya Machad lagu barto…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta tegay masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, isagoo halkaas warbaahinta kula hadlay.

Mukhtaar Roobow sheegay in hadda uu dib u howlgeli doono machadkii laga bara jiray duruusta diiniga ah ee masaajidkaan uu horay u lahaa, kaas oo mar hore xirmay.

“Hadda waxaa muhiim noo ahaa inaan qiimeyno sidii dib loogu furi lahaa machadka, waan soo aragnay qalabka yaalla, waxaan rajeyneynaa inuu dib noogu furmo,” ayuu yiri.

Sheekh Mukhtaar ayaa Alle janadiisa uga baryey Boqor Feysalkii Sacuudiga oo dhisay masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku dadaalay inaan ogaado sababta dib loogu furi waayey machadka weyn ee masaajidkaani uu leeyahay, inta ay khuseyso markii aan la tashano ayaan dib u furi doonaa, si loogu intifaaco oo arday Soomaaliyeed ay wax uga barato, macalimiin Soomaaliyeed-na ay u dhigaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo