Sidee go’aankii Abiy Ahmed u wiiqay rajadii Somaliland?

Berbera (Caaimada Online) – Berbera waa marinka ugu weyn iyo isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Somaliland. Waxay dhacdaa Gacanka Cadan oo ah marin joogto loo adeegsado oo isku xira Badweynta Hidiya iyo Mediterranean-ka. 

Sannado kahor, waxay ahayd meel dayac iyo duug ah. Waxaa markeedii ugu horreysay dhistay Boqortooyada Ingiriiska. Waxaana sii casriyeeyey Midowgii Soofiyeeti kadibna Maraykanka. 

Dekaddu hadda waa halbowlaha nolosha Somaliland. Waxayna kala soo degtaa inta ugu badan waxa ay uga baahan tahay – sida wax la cuno ilaa qalabka dhismaha, baabuur iyo agabyo kale. Waxa ugu badan ee laga dhoofiyana waa xoolaha nool. 

Isbeddelka maanta ka jira gudaheeda waxaa u sabab ah hay’adda Dubai Ports World oo loo soo gaabiyo DP World. Sannadkii 2017 ayay la wareegtay mas’uuliyadda dekadda waxayna ballaarisay baaxadda iyo qalabyada looga howlgalo. Waxay soo kordhisay baro si casri loo qaabeeyey oo maraakiibtu kusoo xirtaan iyo agabyada lagu soo dejiyo konteenarada. Waxaa intaas oo dhan kasii muhiimsan inay la wareegtay mas’uuliyadda iyo maamulka dekadda. 

Maalin kasta shaqo joogto ah ayaa ka dhex socota. Qorshuhu waa in dekaddu awoodi karto inay dejiso nus milyan shixnado ah sannad kasta. Waana 30% awoodda wax dejineed ee dekadda Doraleh ee Jabuuti. Waxay tani mustaqbalka siin doontaa Somaliland inay noqoto xudunta saadka ee Gacanka Cadan. Waxaana ay awoodi doontaa inay loolan kula gasho dekadaha gobalka sida Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa. 

Wiishashku waxay muhiim u yihiin maaraynta degdegga ah ee xamuulka looga baahan yahay dekad walba oo casri ah. Tababbarka shaqaaluhuna, wuxuu ka dhacayaa dekad aan wali mashquul badan ka jirin.  Ilaa hadda, maraakiibta waxay ugu soo xirtaan si aan badnayn. 

Dhismaha ka socda dekadda Berbera wuxuu geesta kale xoojinayaa ganacsiga ka jira Itoobiya oo taniyo markii ay Eritrea ka go’day sannadkii 1993 dekad la’aan ahayd. Waxayna xooggeeda ku tiirsaneyd dekadda Jabuuti. 

Sannadkii 2017-ka, heshiis saddex geesood ah ayaa dhex maray Itoobiya, Somaliland iyo hey’adda DP World oo ku saabsan dhismaha iyo casriyeynta dekadda Berbera. Heshiiska oo soconaya muddo 30 sannadood ah, wuxuu dhigayaa helidda dekad ganacsi, aag xor ah, laami Berbera ilaa xadka Itoobiya tagaya iyo gegi diyaaradeed oo laga dhiso Berbera. 

Saami 30% ayay Somaliland ku yeelatay heshiiska. Halka 19% ay yeelanayo Itoobiya. Inta soo hartay oo ah 51% waxaa qaadanaysa hey’adda DP World. Laakiin bishii June sannadkan, Somaliland ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya ay ku fashilantay inay xejisato saamigeeda 19% ee dekadda Berbera. Addis Ababa ayaa ku fashilantay inay buuxiso shuruudihii looga fadhiyay. 

Laakiin dadka Somaliland waxay weli ka qabaan heshiiska rejo fiican. Micno weyn ayuuna ugu fadhiyaa hirgelinta mashruuca dhismahan dalka oo dhan. Waxay u arkaan heshiiskan mid ay ku heli karaan aqoonsi caalami ah; muwaadiniintana uu siinayo kobac dhaqaale iyo nolol heer sarreysa. 

Qorshaha fog

Is-ballaarinta iyo howlgalka DP World ee Geeska Afrika wuxuu la jaanqaadayaa isbeddelka siyaadeed ee ka jira gobalka. 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu xukunka yimid sannadkii 2018-ka kaddib kacdoon dadweyne iyo isbeddeldoon dimuqraadiyadeed oo dalka ka curtay. In yar kaddib markii uu xafiiska tagay, wuxuu ku guuleystay inuu soo gabagabeeyo loolanka 20-jirsaday ee Eritrea kala dhaxeeyey. Wuxuuna tallabadaas ku mutaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Itoobiya waxa ku nool 100 milyan dad ka badan. Waana mid kamid ah dalalka Afrika ee kobac dhaqaale oo xooggan sameynaya. Isbeddelkii ka dhacay Itoobiya wuxuu qeyb ahaan qaabeeyey horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika. 

DP World waxay sii wadaa inay ballaariso saameynteeda gobalka. Sannadkii 2006 heshiis 30-sanno soconaya oo ay la gashay Jabuuti – kaas oo ujeedkiisu ahaa qalabeynta iyo horumarinta dekadda Dolareh – ayay dowladda Jabuuti ka baxday sannadkii 2018-ka. 

DP World ayaa taniyo markaas Jabuuti uga soo wareegtay dekadda Berbera ee Somaliland iyo dekadda Bosaso ee Puntland. Waxaana halkaas ku dhashay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo DP World dhex mara. 

Sansaanta ka muuqata mashruucani wuxuu sameynayaa horumar xooggan. Wejigii hore ee dhismaha Berbera wuu soo gabagaboobay. Dhismaha Aagga xorta ee DP World weli wuu socdaa. Dhismaha laamiga isku xiraya Bebera iyo Togwajaale oo xuduudda ku taalla ilaa Jigjigga iyo Addis Ababa wuu soo dhammaaday. 

Saraakiisha Somaliland waxay sidoo kale sheegeen inuu soo gabagaboobay dhismaha garoonka diyaaradaha. Balse waxaa weli mugdi ku jiraa sida loo dhisay oo u muuqata garoon ciidan oo Imaaraadku ka dhex sameystay Berbera. 

Maxaa xiga? 

Aad buu mashruuca dhismahani muhiim ugu yahay Somaliland. Waxaana ay u arkaan dhabbaha aqoonsiga caalamiga ah ay ku heli karaan. Laakiin la’aanta kaalinta Itoobiya ee kaga aadan hirgelinta Mashruuca, ma ahan mid suuragal ah. Weli waxaa muuqata in Adis Ababa aysan buuxinin shuruudihii kaga aadanaa heshiiska. Waxaa intaas dheer, in Itoobiya aysan suuqyadeeda wali u furin ganacsatada Somaliland. 

Dadka Somaliland rejadoodu ma ahan mid hooseysa. Laakiin wax walba uguma socdaan sida ay jecel yihiin. Faafitaanka Covid-19 iyo dagaalka gobalka Tigrey ka socda wuxuu wiiqay kobaca dhaqaalaha Itoobiya. Waxaana halis ku jirta xasiloonnida waddanka. 

Istiraatijiyadda DP World ee maamulka dekadaha ku yaalla Gacan Cadan iyo Badda Cas waa mid raadeynaysa siyaasadda gobalka Geeska Afrika. Laakiin in guul weyn laga gaaro waxay hadiyo jeer ku xirnaan doontaa Itoobiya iyo sida xaalkeedu ku dambeeyo.