Kaalinta Ciidamada Xoogga Dalka ay sanadkan ka galeen qiimeynta Global Fire Power

Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh, magac iyo maamuus ahaanba.

Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan. Labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun.

Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7).  Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil.

Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga (11), Iran (14), Pakistan (15), Israel (18), Waqooyiga Kuuriya (25), Ciraaq (50), Suuriya(55), Itoobiya (60), Suudaan (76), Kenya (84), Uganda (86), Qatar (90), Koonfurta Suudaan (117).

Xaaladda ciidanka xoogga dalka:

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo.

Maxaa loo dhisi waayey ciidanka qaran?

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii  “Security Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo  lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa.

Heshiiskan waxaa uu khuseeyey 4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka.

Taageerada Beesha Caalamka: In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan.

3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye
Goobjoog News