Taliyaha booliska: Amniga dalka waa lagu soo duulay, meel xun ayuuna marayaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta si adag kaga hadlay xaaladda amaan ee dalka.

Xijaar oo warbaahinta kula hadlayey Muqdisho ayaa sheegay in amniga dalka uu marayo meel xun, islamarkaana la diidan yahay in la ilaaliyo amniga dadka.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in la qarxiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka muhiim ah ee lagula socon lahaa dhaq dhaqaaqa, sidoo kalena la dilayo Injineerada dhisaya ka jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa intaasi ku daraya in lagu soo duulay amniga dalka, islamarkaana laga soo galo xuduudaha iyo hawada, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay, xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga uu qof walba mas’uul yahay, islamarkaana ay muhiim tahay in lala shaqeeyo Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.