Kabaha muranka dhaliyay ee lagu arkay ciidammada Soomaalida ee Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horreysay fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea, halkaas oo Axaddii xero ay ku jireen uu ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in askartaas dib loogu celin doono dalkooda.

Balse, markii la soo bandhigay muuqaalkooda ayaa waxa la arkayay ciidanka oo xiran kabo saandal ah, beddelkii buutka lagu yaqaannay ciidamada, waxayna taasi horseedday hadal-heyn badan.

Soomaalida qaar ayaa waxay u fasirteen kabaha ay xirnaayeen ciidamada Soomaalida in ay muujineyso daruuf iyo rafaad ay ku sugan yihiin.

Halka kuwa qaarna ay ka ra’yi duwanaayeen. Haddaba Maxay yihiin kabahaan muranka badan ka dhex-dhaliyay Soomaalida isticmaasha baraha bulshada?

Dalka Eritrea si weyn ayaa looga qaddariyaa kabahan oo waa astaan qaran.

Bartamaha magaalada Asmara ayaa waxaa loo taagay taallo muujineysa muhiimadda kabahan saandalka ah.

Taallada laga sameeyay Casmara waa bir-madow oo lagu sawiray kabaha saandalka ah, taas oo loo yaqaanno Shida.

Kabaha waxay astaan u yihiin jabhaddii Eritrea, gaar ahaan waxaa lagu xusuustaa dagaalkii cajiibka ahaa ee ay 30-kii sano xornimada uga raadinayeen dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, kaasoo ku dhammaaday gooni-u-goosadkii sanadkii 1991.

Waa kabihii ay waddaniyiinta Eriteriyaanka ah xiran jireen tan iyo 1960-kii markaasi oo ay halganka ugu jireen inay noqdaan dal madax-banaan.

Ciidan xiran kabaha caagga ah ayaa ka soo muuqday sanadkii 1998, markaas oo Eritrea ay dagaal labo sano ah la gashay dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Kabaha saandalka ah waxa ay muhiimaddooda tahay in ay ka caawiyaan kulaylka ba’an ee ka jira gobolka.

Waxay ahaayeen kuwo aan qaali ahayn, sidoo kalena uu qofka xiran hawo ka helayo.

Marka mid ka mid ah suunka shidada uu go’o, waxaa si degdeg ah loogu hagaajin karaa in lagu dhalaaliyo olol yar.

Waxay sidoo kale u doorbidayeen in marka ay go’aan si fudud loo hagaajin karay, iyadoo la isticmaalayo dab ama holac.

“Waa kabo ay soo xirteen dhammaan dagaalyahannadeenna,” ayuu yiri Girma Asmeron, oo ah Danjiraha Eritrea ee Mareykanka oo markaas xirnaa kabaha. “Haddii uu qof kugu arko kabahaas, wuxuu ogaanayaa inaad tahay dagaalyahan, waxayna calaamad u noqotay madax-bannaanideenna.”
Isha: BBC