Kacdoonka Beledweyne oo lugaha la galay Farmaajo iyo xildhibaan sir kashifay + Video

Beledweyn (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol ay ka dambeeyaan kacdoonka ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunnta Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa habeenkii Axadda qabsaday koox la baxday Badbaado Hiiraan oo kasoo horjeedda maamulka HirShabeelle iyo inuu halkaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Ciidamada qabsaday magaalada waxaan u aragnaa inay tahay qorsho uu lugaha kula jiro Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol kuwaas oo doonaya inay muujiyaan in Beledweyne aysan nabad aheyn, ciidamada waxaa xukuma Farmaajo waxayna ku shaqeeyaan amarkiisa,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Jindi oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

“Aniga, xildhibaano klae iyo taliyihii hore ee NISA waxaan Beledweyn u tagnay sidi aan xal uga gaari laheyn xiisadda Beledweyne, waxaan la kulanay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo odayaasha dhaqanka, sidoo kalana waxaan la kulanay Ugaaska Beesheena, waxaana ka wada-hadalnay sidii xal loo gaari lahaa, iyadoo howsha meel fiican noo mareyso ayaan halmar ka war helnay ciidamo la wareegay magaalada,” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in laga badbaaday in Beledweyne ay marti geliso dagaal, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyey Ugaaska Beesha Xawaadle oo uu sheegay inuu amar ku bixiyey inaan wax dagaal ah laga sameyn gudaha Magaalada.

Mar wax laga waydiiyey ujeedada uu Farmaajo ka leeyahay ciidamada qabsaday Beledweyn ayuu sheegay inay tahay inuu muujiyo in Beledweyne ay tahay meel aan nabad aheyn, islamarkaana uusan ka dagin madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in tani ay tahay qorshe cadaadis lagu saarayo Guudlaawe, si liiska musharaxiinta Aqalka Sare uga reebo xubnaha aysan rabin Villa Somalia, uguna soo daro kuwa ay wadato.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Jindi oo dhameystiran