Sagaal sano kadib ninkii isku qarxiyey Yuusuf Xasan oo la ogaaday inuu nool yahay

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa maanta saldhiga booliska ee Pangani ee caasimada Nairobi u gudbiyey dacwad uu ku doonayo in dib loo furo baaritaanka qarax uu ku dhaawacmay sanadkii 2012-kii, kadib markii uu helay xogo cusub oo qaraxaas la xariira.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo la hadlay BBC ayaa sheegay inuu arkay qoraal uu  bartiisa Twitter-ka ku baahiyey guddoomiyihii hore ee caasimadda Nairobi Mike Sonko, kaas oo uu ku sheegay inuu garanayo ciddii qaraxaas ka dambaysay.

Qaraxaas ayaa 7-dii bishii December ee sanadkii 2012-kii ka dhacay masaajid la yiraahdo Al-Hidaaya oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Narobi goor habeen ah.

8-qof oo laba kamid ah caruur ahaayeen ayaa lagu dilay qaraxaas, waxaana ku dhaawacmay illaa 20-qof oo kale, kuwaas oo Xildhibaan Yussuf Xasan uu ku jiray.

“Saldhigga Booliska waxaan maanta u tegay inaan dacwad ka qoro qaraxii ka dhacay masjidka Al-Hidaaya, 7-dii bishii December 2012-kii, kaas oo 8-qof ay ku geeriyoodeen, dad farabadan oo anigu aan ku jirana ay aad ugu dhaawacmeen, marka shalay guddoomiyihii hore ee magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa Twitterkiisa ku soo qoray ninkii qaraxaas ka dambeeyey uu garanayo,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mike Sonko waxuu yiri qofkii qaraxaas ka dambeeyey waxa uu doonayey inuu dilo xildhibaanka laga soo doorto Kaamakunja Yuusuf Xasan, marka arrintaas naxdin badan ayey igu abuurtay, sababtoo ah maana filaneyn, in qofkii dadkaas laayey oo dambigaas galay uu noolyahay oo suuqa iska socdo.”

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan waxa uu sheegay in boolisku uu kiiskaas mar hore iska xiray, maadaama aysan jirin qof loo qabtay qaraxaas, balse hadda uu ka dalbaday in dib loo furo baaritaanka kiiska.

“Waxaan maanta ka codsaday laanta booliska u qaabilsan baaritaanka inay dacwadaas dib u furaan, maadaama uu hada soo baxay war cusub oo cadeynaya dadkii ka dambeeyey, isla markaana ninka guddoomiyaha xiligaas ka ahaa magaalada ee hadda xogtaan bixiyey lasoo wareysto, oo waxa uu ogyahay lasoo bandhigo, dadka uu sheegayana lasoo qabto oo lagu qaado hadii ay dembi yeeshaan, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf ayaa intaas ku sii daray in hadalka kasoo yeeray Mike Sonko aan la yareysan karin, maadaama uu yahay masuul sare oo xiligaas guddoomiye ka ahaa caasimada Nairobi, mar Senator soo noqday, marna Xildhibaan.

“Boolisku markii hore fursad ayey dayaceen oo howshooda kama soo bixin, dabcan qalad inuu dhacay ayaa macquul ah, hadda fursad ayaa jirta, sababtoo ah dadkii lagu dilay qaraxaas ehello ayey ka dhasheen oo cadaalad ayey sugayaan, anagana dhaawacyo iyo dhib farabadan ayaa naga soo gaaray, booliska hadda waxaa ku waajib ah in galka baaritaankaas ay dib u furaan,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.