Kacdoonka Puntland iyo jabhadaha Somaliland oo lala xiriiriyey DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso daganaansho la’aanta degaanada Somaliland iyo Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan dadka daga Galbeedka Somaliland ay dowladda Soomaaliya ka shaqeysay in ay sameestaan jabhado islamarkaana ay dooneyso daganaansho la’aan ka bilaabata Soomaaliland.

“Odayaasha degaanka ayey dowladda lacag siiyay ee Saraakiisha Galbeedka Somaliland si loo abuuro xoogag hubeysan oo dowladda ka soo horjeeda waana bilaawday dhaq dhaqaaqaasi” ayuu yiri Cabdi Barre Yuuusf oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada daganaansho la’aan xoog leh ay ka abuurtay degaanada Puntland oo qaar ka mid ah shacabka gobolka Bari ay ku dhaqaaqeen dagaal ka dhan ah xukuumadda Deni.

“Waxay iska horkeentay hogaanka Puntland waxaana ka dhashay beelaha gobalka Sanaag iyo Bari in ay dowlada ku kacan mana ahan wax loo dulqaadan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore ee Baarlamaanka.

Dhowr qof ayaa sidoo kale horey ugu eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay wado abaabulka qalalaaso ka bilaawda dhulka dagan ee Soomaaliya sida Puntland iyo Somaliland mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha way diideen inay jawaab ka bixiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com