Abaabulka banaanbax ka dhan ah DF Somalia oo ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 24-kii ee ugu dambeysay waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaas oo ku aadan go’aankii muddo saacado ah lagu xanibay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahnaa Beladweyne.

Sidoo kale abaabulka ayaa si weyn waxaa looga dareemayaa baraha bulshada ku kulmaan ee Internet-ka oo dad lala wadaagay.

Caasimada Online waxay isku dayday in ay hesho dadka ka dambeeya abaabulka Banaanbaxaan balse waxaa heli weynay shaqsiyaadka abaabualaya dibadbaxa.

Qaar kamid ah dhalinyarada loo xil saaray qaban qaabada ayaa noo sheegay in aysan jirin qof isku xir oo banaanbaxa wada balse uu ku bilaawday hadal heyn iyo dareen dadka qaar ay ka qaadeen qal qalkii amni ee dowladda ay gelisay Shariif iyo Xasan Sheekh.

Dhalinyaradaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dareenkooda si nabad galyo ah ku muujiyaan oo ay isugu yimaadaan laga soo bilaabo Liido ilaa KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Bilooyin ka hor ayaa mar sidaan oo kale la isugu dayay in magaalada lagu qabto dibax balse waxaa la sheegay in markii dambe xayiraad dheeraad ah oo magaalada lagu soo rogay loo baajiyay iyadoo wararka qaarna ay markaas sheegeen in uu aad u yaraa abaabulka banaanbixii la filyay.

Waxaan sidoo kale la ogeyn in sidaas oo kale mar kale loo baajin doono banaanbaxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com