Maxaa kiciyay ciidamo beeleedkii maanta xoogga ku galay magaalada Boosaaso?

Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidama beeleedka maanta magaalada Boosaaso soo galay waxay ahayd mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG.

PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka Maanta ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer.

Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni, galaanlgalka fiicanna ay ku leeyihiin kooxda loo yaqaan “Aaraan jaan” oo ah koox abaabulan oo ganacsato reer Garoowe ah ay u badan yihiin ayaa isku dayayey inay la wareegaan saamilaydii ugu waawayneyd shirkadaas loo yaqaan PDG, ayagoo ka faa’iideesanaya awoodda Dowladnimo.

Waxaa xusid mudan ganacsatada haatan gadoodsan ee reer Boosaasada u badan inay ahaayeen kuwii sababta u ahaa in Deni ku guuleeysto dooorashada ka dib markay ku wareejiyeen 7 cod wareeggii u dambeeyay ee tartankii doorashada madaxtinimada Puntland 8-dii Jenuary 2019.

Si kasta oo la isugu dayey xallinta khilaafka “PDG” iyo in wada hadal lagu dhameeyo waxay ka suura gali weyday dhinaca Deni iyo xulafadiisa Aaran Jaan, waxayna soo jiitamaysay lixdii bilood ee u dambaysay.

Ganacsata ayaa lixdaas bilood si iskood iyo lacagtooda waxay ugu dabarayeen qarashaadka ku baxaya ciidamada PMPF, waxaana xusid mudan ka dib markii cadaadis badan ay odayaal saareen madaxweynaha in bishii hore dhamaadkeeda la bixiyay lacagtii oo aan wax faa’iida aysan ku jirin , wixii faa’iidada ahaana loo wareejiyay shirkadda ay samaysteen Aaran Jaan.

Markuu Bashiir C/llaahi Saalax deer uu ka quustay waxa uu isku dayay inuu bal cadaadis dhinaca ciidanka saaro, waxaana uu ciidamo Beeleedyo ku aruuray Magaalada gudaheeda oo dhowr xarumood kala fadhiya, ciidanka xoogiisana waxaa fadhi u ahaa Carmo.

Saaka waxaa soo ruqaansaday ciidankii deganaa Carmo waxayna iska hor imaad kooban u dhexmaray ciidamadii joogay barta controlka ee Boosaaso, waxay gacan ka heleen ciidamadii magaalada hore usii joogay sidaasayna ku soo galeen.

Iskudayo ay sameeyeen ciidamada dowlada inay kaga horjoogsadaan inay soo galaan magaalada waa ay suura gali waayay ka dib markii awood loo sheegtay.

Dhinaca kale Ciidamada kacdoonka gobolka Bari ayaa ka hadlay sida ay u arkaan xilka qaadistii gudoomiye Dhoobadaareed, iyagga oo sheegay in ay u arkaan xaq daro.

Sarkaal ka tirsan hoggaanka ciidamada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland u aqoonsan yihiin Cabdixakiin Dhoobadaareed.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ujeedkoodu yahay in la helo Puntland la wada leeyahay, isagga oo ku baaqay shirweyne wada tashi oo ay isugu yimaadana Beelaha ku midoobay dhismaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com