Kadib booqashadii Ingiriiska iyo Mareykanka, Bin Salman ma noqon doonaa ninkii reer galbeedka?

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan waxaa uu bil gudaheed booqasho ku tagay Ingiriiska iyo Mareykanka, isaga oo heshiisyo dhinacyo badan la soo galay.

Maxamed Bin Salmaan,  galbeedka uma tagin oo keliya heshiisyo iyo maal-geshi ee ujeedka waxa uu ahaa in uu  marka hore iibiyo fikradda Islaamka dhex-dhexaadka ah iyo manhajka cusub ee uu gar-wadeenka ka yahay, booqashadan waxaa ay tijaabo u aheyd sida galbeedka u aqbaleen isbadallo uu ninkan sameeyay 10-kii bil ee la soo dhaafay.

Tan iyo markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay dhaxal-suge bishii  June 2017-kii ilaa booqashada uu u tagay Ingiriiska iyo Mareykanka waxaa dhacay isbadallo badan oo ku tusinaya meesha uu u socdo iyo natiijada uu rabo.

Isbadallo Hoose:

Dhaqaalaha: Maxamed Bin Salmaan waxaa uu Sacuudiga ka gaday aragtida “2030” ee sida la sheegay Sacuudiga uga maarmi-doonno shidaalka, oo dhaqaalaha dalkaasi ugu  tiirsanaan-doonno ganacsiga, warshadaha iyo wax soo saarka.

Intii uu dhaxal-sugaha ahaa waxaa uu dagaal la galay Musuqa isaga oo xiray amiirro iyo kooxdii dadka ugu dhoweyd taasi oo soo jiidatay indhalaha caalamka.

Haweenka: Boqortooyada Sacuudiga kadib markii qarniyo badan uu codka haweenku cowro ahaa, mamnuuc aheyd safraddooda, inay xisaab bank ka furtaan, rag aan qoyska aheyn la kulmaan, dhar aan xijaab aheyn xirtaan, in ay shaqeeyaan, cayaaraan ama ay tillaabo qaadaan maxram la’aan ayaa hal mar waxaa uu sameeyay  Bin Salmaan isabadal xoogan.

Haweenka waxaa loo ogolaaday in gawaariga waddaan, shanneemooyinka, music iyo xafladaha ayaa la ogolaaday, haweenka inay garoomaha cayaaraha u daawasho tagaan ayaa caadi laga dhigay, In cabbaayad la labisto shardi ma aha ayaa la iftooday, haweenka in ay ciidanka qoran karaan ayaa la iftooday xittaa maalinta jaceylka waxaa la banneeyay in ubax iyo hadiyado la kala guddoomi karo.

Neom: Waa mashruuc dhaqaale oo caalami kaasi uu Sacuudiga ka dhisayo badda cas, waxaa laga yaabaa in Masar iyo Urdun ay qeyb ka noqdaan, waa mashruuc wejigiisa hore la soo gabagabeyn-doonno 2025-ka, ujeedkana uu yahay in zoon dhaqaale, oo furfuran, oo laga sameeyo xadka Sacuudiga, Urdun iyo Masar, waxaa ku bixi-doonta in ka badan 500 oo Bilyan.

Caqabadaha Bin Salmaan: In kasta oo Maxamed Bin Salmaan sameeyay isbadalladaasi aan soo sheegnay,  hadana waxaa ku hor-gudbanaa caqabado kale, waxaa ka mid ahaa manhajka salafiga iyo Al-qaa’ida.

Salifiya: Sacuudiga waxaa loo arkaa hoyga salafiyada caalamka, waxaana reer gabeed badan rumeysan yihiin inuu maal-geliyo argigixisada.

Sacuudiga waa meesha la unkay Salafiya, oo manhaj aaminsan dowlad Islaami ah, dowladaha Islaamka qaarkood waxay ugu yeeraan Salafiya Jihaadiya, waana manhaj gaaleeyay reer galbeeka, culumadooda waxaa ka mid ah:Muhamed Binu Cabdiwahaab iyo Cabdicasis Binu Baas, halka ay leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Wahaabiyada oo ah Xarako ujeedadeedu tahay sida ay sheegeen inay sifeeyaan Caqiidada Islaamka…..Bin Salmaan in kasta uu culimo badan xiray, fatwooyin badan uu sida uu rabayna la soo saaray hadana ma fududa in uu ka adkaado manhaj 400 oo sano jiray.

Al-Qaacidah: Waa dhaq-dhaqaaq Islaami uu Aas-aasay Usama Binu Ladin, waa nin Sacuudiyaan ah, waxaa intaas dheer Sacuudiga 15 ka mid ah 19kii qof ee afduubay diyaaradihii lagu burburiyay daarihii dheeraa World Trade Center ee Newyork 2001-dii waxaa ay u dhasheen dalkaasi Sacuudiga, in ka badan 3000 oo Mareykanka ah ayaa ku dhimatay.

Al-Qaa’idad waxaa kale oo ay  sheegteen Mas’uuliyadda Qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Daaru-salaam 1998-dii iyo Qaraxyo badan oo ka dhacay dunida dacaleeda sida: Ingiriiska, Yeman, Masar, Bakistaan…………iyo meelo badan.

Booqashada Galbeedka: Iyada oo Maxamed Bin Salmaan isbadallo ka sameeyay gudaha, dhanka kalana ay aragtidaasi qalafsan reer galbeedka ka qabaan ayuu booqasho ku tagay Ingiriiska iyo Mareykanka.

Booqashadii  Ingiriiska:  Maxamed Bin Salmaan waxaa uu Ingiriiska ula tagay maal-geshi iyo furfurnaan, 3 maalin gudahood waxaa uu la galay heshiisyo muddo 10 sano gudahood lagu maal-gelinayo ilaa 100 Bilyan oo Dollar.

Heshiisyada uu la galay Ingiriiska marka laga soo tago barnaamijka “2030”, waxaa ugu muhiimsanaa la dagaalanka argigixisada, iskaashi ku saabsan amniga diyaaradaha, in 100 Milyan oo Geniga Ingiriiska lagu teegeero geeska Afrika, waxaa kale oo ay isku aragti ka noqdeen dhibaatooyinka ka jira dalalka Yemen, Suuriya, Lebnon iyo Libya iyo xalka arrinta Falastiin iyo Israel.

Booqashadii Mareykanka: inta aanu Mareykanka tagin, waxaa uu heshiis la galay  20 Shirkadood oo nooca ku takhasusay daacayadda kuwaas oo balaayiin Dollar ku qaatay in Sacuudiga laga dhigo dal isbadal ku socdo.

Intii uu Mareykanka joogay, waxaa uu madaxweyne Trump siiyay waxa uu rabay oo ahaa 12.5 Bilyan oo heshiis xagga hubka ah, dhinaca kale waxaa uu gatay barnaamijyo Telefishin, bogag wargeysyo iyo shakhsiyaad difaaco aragtiga cusub ee Sacuudiga iyo Bin Salmaan, waxaa kale uu ka faa’ideysay naceybka Mareykanka ee Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Trump waxaa uu marar badan sheegay in uu ka baxayo heshiiska Niculeirka ee lala galay Iran halka Maxamed Bin Salmaan uu heshiiskan ugu yeeray mid khiyaano ah, kuna dhiiri-geliyay Trump inuu ka baxo.

Maxamed Bin Salmaan waxaa uu rumeysan yahay in Iran aaney awood ku gaarin Sacuudiga xagga hubka iyo dhaqaalaha balse ay ka adag tahay in ay gobolka qasto, waxaa uu Iran ku eedeeyay in ay xaalad banii’adnimo ka sameynsay Yeman taasi ay ka dhalatay taageerada ay siiso Xuutiyiinta, isaga oo Aayatulahi Khumeini ugu yeeray Hitler-ka cusub, waxaa kale oo Iran ku eedeeyay in uu joogo wiilla Bin Ladin kaas oo hadda madax ka ah howl-gallada Al-qaa’ida dunida ka fuliso.

Hadaba,  falan-qeeyeyaasha caalamka, waxaa ay weli jawaab u raadinayaan  Kadib Booqashada Ingiriiska iyo Mareykanka ..Bin Salmaan Ma Noqon-doonaa Ninkii Reer Galbeedka?