Gudiga xalinta khilaafka baarlamaanka oo dalbaday in laga qaado ciidamada xarunta Golaha shacabka.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Gudi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya kaas oo loo xilsaaray xal uraadinta khilaafka ka dhex taagan Hey,adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta ee Dowladda Soomaliya.

Gudigaan oo maalmahaan ku mashquulsanaa xal uraadinta khilaafka taagan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah loo furo kalfadhiga Baarlamaanka lagana qaado ciidamada dheeraadka ah ee lageeyay xarunta Golaha Shacabka islamarkaana lasoo celiyo ciidmadii hore u joogi jiray xarunta Golaha Shacbka.

Sidoo kale gudigaan ayaa dalbaday in la joojiyo lacagaha xad dhaafka ah ee ku baxay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Waxeyna intaasi ku dareen xildhibaanadaan ka shiraya xal uraadinta khilaafka beryahaan dambe taagan in codeynta mooshinkii laga geeyay Jawaari lagu guda galo muddo 10 cisho ah gudahooda kaasi oo ay kabilaabaneyso maalinta la gudbiyay mooshinka.

Dr Cilmi oo kamid ah gudigaan ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la cuuryaamiyo howlaha uu qaban lahaa Golaha Shacabka Soomaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com