Golaha Aqalka sare oo gudi cusub u saaraya weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta la filayaa in guddi Senetaro ah in ay u magacaabaan baarista weerarkii Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii hore ku qaadeen  guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Senator Cabdi Qeybdiid oo isbuucii hore ka hadlay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn guddigii uu  Madaxweynaha Soomaaliya maxamad cabdulaahi farmaajo u saaray baaritaanka weerarkii gurigiisa lagu qaaday.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Guddi baaritaan uu Madaxweynaha Soomaaliya u saaray baaritaanka weerarka Cabdi Qeybdiid gurigiisa lagu qaaday ayaan wax natiijo ah soo bandhigin, waxaana la filayaa in guddigan loo saarayo si deg deg ah natiijo arintan uga soo saaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com