Khilaaf Ka Taagan Halka Lagu Qabanayo Kulanka Cod U Qaadista Mooshinka Jawaari

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu horgeenayo mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen ciidamo uu amray Ra’iisul Wasaare kheyre,isla markaana kulanka aan lagu qaban Karin.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari ayaa iyana wax ay sheegayaan in kulanka lagu qabanayo Xarunta ay baarlamanka  ku shiraan ee golaha Shacabka.

dhanka kale Xildhibaanada taagersan gudoomiye Jawaari ayaa iyana diidan in kulanka lagu qabto Xaunta Golaha Shacabka ilaa laga wareejiyo Ciidamada ay geysay xukumadda Soomaaliya.

Muranka ka dhashay mooshinka laga gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa curyaamiyey howlihii Hay’addaha dowladda sida Gudiyada fulinta iyo Sharcidejinta.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo hada si KMG ah Baarlamaanka u gudoomiya ayaa laga filayaa in uu shaaciyo halka lagu qaban doono kulanka mooshinka lagu horkeenayo Baarlamaanka iyo waliba xiliga la qaban doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com