Kadib booqashadii Xasan Sheekh, Mareykanka oo ku dhowaaqay taageero xooggan

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo cusub oo ay siineyso Soomaaliya, maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Biden. 

“Dowladda Mareykanka, oo marineysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa in ka badan $151 milyan ku bixineysa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu war-saxaafadeed kasoo baxay USAID. 

“Lacagtaas ayaa $146 milyan oo dollar oo ka mid ah waxaa loogu talagalay gargaar cunto, iyadoo abaaro masiibo ah ay dalka naafeeyeen, in ka badan 7 milyan oo qofna ay qarka u saaran yihiin macaluul. $5 milyan ee soo hartay ee ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

“Ku dhawaaqista maanta ayaa u ogolaan doonta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID. 

Taageerada Mareykanka ayaa timid maalmo un kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Biden, oo uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo abaaraha.

Xasan Sheekh ayaa Aqalka Cad kula kulmay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan. Wuxuu sidoo kale la kulmay xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken iyo xoghayaha gaashaandhigga Lloyd Austin. 

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqdaydeeq bixiyeyaasha beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo u qaadaan si ay kordhiyaan maal-gelinta bini’aadanninimo ee dadka Soomaaliyeed si looga hortago in saadaasha macluusha ay noqoto mid dhab ah.