PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay ninkii sameeyey qaraxii ka dhacay MILXO

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Security Foce ee magacooda loo soo gaabiyo (PSF) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay farsamayaqaankii sameeyey qaraxii xooganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

PSF ayaa shaaca ka qaaday in ninkan oo ku dhuumaaleysanayey Boosaaso ugu dambeyna gacanta lagu soo dhigay, waxaana hay’addu intaasi ku sii dartay in baaris ay sameeyeen laamaha amniga ay ku ogaadeen in ninkaan uu yahay shaqsigii sameeyey qaraxii Milxo, isla-markaana uu ka tirsan yahay xoogaga Al-Shabaab ee weerarada ka fuliya Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa u mahadcelisay shacabka deegaanka ee xogta ninkaas lasoo wadaagauy ciidamada ammaanka maamulkaasi.

“Waxaan dhiiro-gelineynaa shacabka Soomaaliyeed ee Puntland oo marwalba garab istaaga u muujiya ciidanka PSF,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska.

Qaraxa ka dhacay Milxo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo shacab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Milxo ayaa ah deegaan laga qodo macdanta, waxaana ku nool dad u badan xoogsato ka shaqeysta qodista dhulka si ay uga helaan Macdan ay sii iib geeyaan.