Sawiro: AfroAtlas iyo Ethiopian Airlines oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airlines iyo Shirkadda Afro Atlas ayaa su rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ay labada shirkadood kaga wada shaqeynayaan arrimaha teknolojiyada iyo suuq-geynta adeegyada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shirkadaha tikidhada jara (travel agents) ee Afrika iyo adduunka intiisa kaleba loogu soo xiri lahaa barnaamijka cusub ee lagu magacaabo NDC (New Distribution Capability), kaas oo ay dhowaan hirgelisay shirkadda diyaaraddaha ee Ethopian Airlines. Barnaamijka NDC ayaa beddelaya barnaamijyadii ay diyaaradaha caalamiga ku iibin jireen tikidhada in ka badan muddo nus qarni ah.

Maamulaha Xafiiska Nayroobi ee Shirkadda Ethiopian, Marwo Seble Wongel, oo heshiiska u saxiixday Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta shirkadda AfroAtlas oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay qaaradda Afrika ee si toos ah ugu xiranta nidaamka cusub ee NDC (New Distribution Capability), kaas oo ka casrisan barnaamijkii ay shirkaddu hore ugu shaqeyn jirtay.

Maamulaha Guud ee AfroAtlas, Axmed Ugaas, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus u leh guud ahaan adeegyada teknolojiyada ee gaadiidka cirka ee qaaradda Afrika iyo gaar ahaan shirkadda AfroAtlas -ba.

“Waxaa sharaf iyo taariikh ba noo ah inaan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee si toos ugu xiranta barnaamijka cusub ee NDC ee Ethiopian Airlines, kaas oo hawada soo galay dhowr bilood ka hor,” ayuu yiri maamulaha AfroAtlas oo intaas ku daray “In aan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee wada-shaqeyn noocan ah la yeelata Ethiopian Airlines waxay muujineysaa sida diyaaradaha caalamiga ah ay ugu kalsoon yihiin farsamada iyo qorshayaasha shirkadda AfroAtlas.”

Shirkadda AfroAtlas, waa shirkaddii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee meel qura isugu keentay adeegyada kala duwan ee safarka iyo dalxiiska. Waxey sahashay in hal meel laga wada heli karo adeegyada tikidhada diyaaradaha, hoteellada, caymiska safarka, gaadiidka la kireysto, dalxiiska, iwm.

Shirkadda Ethiopian Airlines waa shirkadda ugu ballaaran qaaradda Afrika dhinaca rakaabka ay qaaddo, tirada diyaaradaha iyo magaalooyinka ay u duusho. Horraantii sanadkan 2022 ayay hirgelisay barnaamijka NDC, waxaana hore ugu xirnaa shirkado ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Ameerika, iyo Aasiya. Hase yeeshee AfroAtlas ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee toos ugu xiranta Ethiopian Airlines NDC.