Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogeysanaya ayaa sababay in dhawaan dal-ku-galka laga mamnuuco baasaboorka Taiwan, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Beijing.
Labada dal oo muddooyinkii kadib uu xiriirkooda heer sare ahaa ayaa sii xoojiyay iskaashiga labada dhinac, iyada oo maanta Safiirka Shiinaha iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ay kulan muhiim ah ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.
Intii uu socday kulanka labada dhinac waxa ay ka wadda hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Wasiir Axmed Xasan ayaa boggaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee labada dal, wuxuuna muujiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay horumarinta fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay suuqyadeeda waaweyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in badeecadahaas si canshuur-dhaaf ah loogu iibin karo gudaha Shiinaha.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, ayna taageeraan horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dal.