Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Ms. Harriet Mathews, Agaasimaha Guud ee FCDO ee UK u qaabilsan Afrika iyo Ameerika kulan wax ku ool ah oo ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo UK.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga oo ay ku jiraan howlgalka AUSSOM, horumarka siyaasadeed, iyo joogtaynta guulaha amniga, iyadoo loo marayo taageero iyo isku-dubarid labada dhinac ah.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay UK, taas oo xoojinaysa xasilloonida, doorashada caalamiga ah iyo nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuulkaan ka socday dowladda UK bixinta dhaqaalaha ay ku howlgelayaan ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale u raadineysa howlgalka cusub ee AUSSOM, dowladaha caalamka ee Soomaaliya ka taageeri jiray bixinta dhaqaalaha amniga, gaar ahaan ciidamada Midowga Afrika, maadaama uu dhamaaday howlgalkii horay loogu heshiiyey ee ATMIS.
Bilaha soo socda ayaa lagu wadaa in ciidamada howlgalka AUSSOM ay ka shaqo bilaabaan Soomaaliya, balse weli meel ma saara dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen waxaana socda dadaallo ay wado dowladda Soomaaliya.
Ku dhawaad 20 sano ayaa Soomaaliya laga taageerayaa bixinta dhaqaalaha ay ku howlgelayaan ciidmaada Midowga Afrika, waxaana hadda la sheegayaa in caalamku ka niyad jabay, maadaama hormar badan aan laga gaarin dagaalka argagixisada iyo sugidda ammaanka.