29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Xog: DF oo kala dooraneysa saddex tallaabo oo ay kiiska Jubaland ku wajihi karto

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in mar kale ay dib u furto galka maareynta xaaladda Jubbaland, waxaana miiska saaran seddax arrin oo midkood ay ku dhaqaaqi doonto, si wax looga bedelo xaaladda hadda ay ku jirto Jubbaland oo wax xiriir ah aan la laheyn dowladda dhexe.

1 – Dowladda Federaalka, waxaa dhici karta inay sameyso maamul kale oo lagu dhisayo gobolka Gedo, kaasi oo aadi doona magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubbaland.

2 – Tallaabada kale ee la qaadi karo waa in Xasan Sheekh uu aado xal nabadeed, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu go’aamiyey in xaaladda Jubbaland ay ka soo tala bixiso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Qodobkaas waxaa la saadaalinayaa inuu rajo u noqon karo Axmed Madoobe oo wasaaradda arrimaha heer federaal ay ku taliso in aqoonsi la siiyo Axmed Madoobe, si lamid ah xukuumadii Farmaajo.

Falanqeeyaasha Siyaasadda waxay qabaan in hadii Villa Somalia ay ka xishootay inay u nataasusho Axmed Madoobe ay suurtagal tahay inay u dhex marto wasaaradda arrimaha gudaha heer federaal oo awood u leh inay ku taliso in la abuuro jawi wada shaqeyn oo Axmed Madoobe uu aqoonsi uga heli karo dowladda federaalka.

3 – Qodobka ugu dambeeya ee miiska saaran oo ay suurtagal tahay in lagu dhaqaaqo waa dagaal kale oo lagu qaado Jubbaland, in mar kale ay dowladda federaalka isticmaasho xeelad militeri ayaa laga cabsi qabaa, si lamid ah arrintii ka dhacday Raaskambooni ee looga adkaaday dowladda.

Inkastoo qodobka dagaalka uu yahay kan ugu adag, hadana xubno ka tirsan madaxda sare ee dowladda ayaa la sheegay inay weli ku talinayaan in Jubbaland arrinteeda lagu xali karo dagaal iyo kala furfur dhaqaale loo adeegsan karo, maadaama Jubbaland ay ka jirto xaalad dhaqaale oo cunaqabateyn adag la saaray.

Axmed Madoobe oo 15 sano ka talinaya Kismaayo ayaa nasiib u leh inuu ku caana maalo fursadaha noocaan oo kale ah, dowlad kasta oo ay is qabtaan markii ay u geli weyso waxay siineysay aqoonsi ku meel gaar ah, waxaana hadda suutagal ah in fursadihii hore oo kale uu ka helo dowladaan oo dagaal adag la gashay.

- Advertisement -

Read more

Local News