Gaza (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka wadahadlay suurta-galnimada in Washington hoggaamiso maamul ku-meel-gaar ah oo Gaza laga hirgeliyo marka dagaalku dhamaado, sida ay sheegeen shan ilo-wareed oo arrintan si dhow ula socda.
Wada-hadallo “heer sare” ah ayaa diiradda saaray dhismaha dowlad ku-meel-gaar ah oo uu hoggaaminayo mas’uul Maraykan ah, taasoo maamuli doonta Gaza ilaa laga gaaro hub-ka-dhigis iyo xasilooni buuxda, isla markaana la helo maamul Falastiini ah oo lagu kalsoonaan karo, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Wada-hadallada, oo weli ah kuwo hordhac ah, ayaan lahayn waqti cayiman oo uu socon doono maamulka Mareykanku hoggaaminayo, iyadoo muddadaasi ay ku xirnaan doonto xaaladda dhabta ah ee dhulka, sida ay ilo-wareedyadu xuseen.
Ilo-wareedyada, oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aysan u fasaxnayn inay si shaacsan uga hadlaan arrintan, waxay isbarbar dhigeen hindisahan iyo Maamulkii Ku-meel-gaarka ahaa ee Mareykanku ka dhisay Ciraaq sanadkii 2003, kadib markii xukunka laga tuuray Saddam Hussein.
Maamulkaas waxaa dad badan oo reer Ciraaq ah u arkayeen mid xoog ku yimid, waxaana awoodda si rasmi ah loogu wareejiyay dowlad ku-meel-gaar ah oo Ciraaqi ah sanadkii 2004, kadib markii uu ku guuldareystay inuu xakameeyo kacdoon isa soo tarayay.
Sida ilo-wareedyadu sheegeen, dalal kale ayaa lagu casuumi doonaa inay qayb ka noqdaan maamulka Mareykanka hoggaaminayo ee Gaza, inkastoo aysan caddaynin waddamadaas. Waxay intaas ku dareen in maamulkaasi uu ka faa’iideysan doono aqoonyahanno Falastiiniyiin ah balse uu gabi ahaanba ka reebi doono Xamaas iyo Maamulka Falastiiniyiinta ee ka arrimiya Daanta Galbeed.
Kooxda Xamaas, oo Gaza maamuleysay tan iyo 2007, ayaa sababtay dagaalka hadda socda markii dagaalyahanno ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaanno Koonfurta Israa’iil ah 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dileen qiyaastii 1,200 oo qof—intooda badan ahaa shacab—iyaga oo qafaashay 251 kale.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in aan wali la gaarin wax heshiis rasmi ah, islamarkaana aan la gaarin heer la magacaabi karo cidda doorarka muhiimka ah qaadan doonta.
Waxay sidoo kale sheegeen in aysan caddayn dhinaca hindisahan soo jeediyay ama faahfaahin kale oo dheeraad ah oo ku saabsan wadahadallada.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo su’aalo ka helay Reuters ma uusan xaqiijin jiritaanka wada-hadallo ku saabsan maamul Mareykanku hoggaaminayo oo Gaza laga hirgeliyo, isagoo sheegay in aysan ka hadli karin wadahadallo wali socda.
“Waxaan rabnaa nabad iyo in la sii daayo dadka la haysto,” ayuu yiri afhayeenka, isagoo raaciyay: “Tiirarka siyaasaddeena waa kuwo cad: garab istaag Israa’iil, garab istaag nabadda.”
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa diiday inuu arrintan ka faalloodo.
Wareysi uu bishii Abriil siiyay warbaahinta Sky News Arabia ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa sheegay inuu filayo in ay jiri doonto “xilli kala guur ah” oo uu maamul caalami ah oo ay ku jiraan “dalal Carbeed oo dhexdhexaad ah” kor ka maamuli doono Gaza, halka Falastiiniyiintuna ay hoos ka fulin doonaan maamulkaas.
“Ma doonayno inaan xakameyno nolosha rayidka ee Gaza. Danaheena waa sugidda amniga kaliya,” ayuu yiri, isagoo aan shaacin dalalka uu u arko inay hawshaasi qayb ka noqon karaan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaan ka jawaabin codsi faahfaahin dheeraad ah lagu weydiiyay.
Ismaaciil Al-Thawabta, oo ah agaasimaha xafiiska warfaafinta ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa si cad u diiday qorshaha lagu maamuli karo Gaza iyada oo Mareykanku ama dowlad shisheeye ay hoggaaminayso. Wuxuu sheegay in dadka Falastiiniyiinta ee Gaza ay xaq u leeyihiin in ay iyagu doortaan cidda maamuleysa.
Maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ayaa isna ka gaabsaday inuu ka jawaabo codsi arrintan la xiriira.
Khatarta maamul Mareykan ah
Maamul ku-meel-gaar ah oo Mareykanku hoggaaminayo ayaa Mareykanka si weyn u dhex gelinaya khilaafka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, isagoo noqonaya faragelintii ugu ballaarneyd ee uu gobolka ku sameeyo tan iyo duulaankii Ciraaq.
Tallaabadan waxay halis u tahay in looga falceliyo si adag, haddii Mareykanka loo arko in uu si sharci darro ah u qabsaday Gaza, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilo-wareedyada.
Imaaraadka Carabta—oo xiriir diblomaasi la sameeyay Israa’iil sannadkii 2020—ayaa soo jeediyay in Gaza la geeyo isbahaysi caalami ah oo la isku raacsan yahay si loo hago xilliga dagaalka kadib. Abu Dhabi waxay ku xirtay ka-qaybgalkeeda in maamulkaasi uu ka mid noqdo Maamulka Falastiiniyiinta ee taageerada ka heysta Reer Galbeedka, isla markaana ay jirto waddo la isku halleyn karo oo horseedda dowladnimo buuxda oo Falastiiniyiintu yeeshaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaan ka jawaabin su’aal lagu weydiiyay haddii ay taageeri lahaayeen maamul Mareykanku hoggaaminayo oo aan ku jirin Maamulka Falastiiniyiinta.
Hoggaamiyeyaasha Israa’iil oo uu ka mid yahay Netanyahu ayaa si cad u diiday in Maamulka Falastiiniyiinta uu door ku yeesho Gaza, iyagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo cadow ku ah Israa’iil. Netanyahu sidoo kale wuu kasoo horjeedaa in Falastiiniyiintu helaan dowladnimo buuxda.
Isniintii, Netanyahu wuxuu sheegay in Israa’iil ay ballaarin doonto weerarradeeda Gaza, islamarkaana dad Falastiiniyiin ah lagu rarayo si loogu badbaadiyo. Israa’iil wali waxay raadinaysaa 59 qof oo lagu hayo Gaza. Ilaa hadda, weerarrada Israa’iil waxay dileen in ka badan 52,000 oo Falastiiniyiin ah, sida uu sheegay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Xubno ka tirsan isbahaysiga midigta fog ee Netanyahu ayaa si furan ugu baaqay in Falastiiniyiinta laga raro Gaza iyaga oo ugu yeeray “hijro iskaa ah”, isla markaana ay dib u dhis ku sameeyaan deegaannadii ay Yuhuuddu horey ugu lahaan jireen Gaza.
Hase yeeshee, kulamo hoose, qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa sidoo kale ka fiirsanaya hindisayaal kale oo lagu wajahayo mustaqbalka Gaza, kuwaasoo ilo-wareedyo sheegayaan inay ku saleysan yihiin inaysan jiri doonin barakac ballaaran oo Falastiiniyiinta ah — waxaana mid ka mid ah hindisayaashaas yahay maamulka Mareykanku hoggaaminayo.
Hindisayaashaasi waxaa ka mid ah in dib u dhiska lagu koobo aagag amni oo gaar ah, in dhulka la qeybiyo, iyo in la dhiso saldhigyo milatari oo joogto ah, sida ay sheegeen afar ilo-wareed oo ay ku jiraan diblomaasiyiin shisheeye iyo saraakiil hore oo Israa’iili ah.