29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Xogta heshiisyo xasaasi ah oo ay gaareen Kenya iyo Imaaraadka Carabta

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi, kuwaas oo diiradda lagu saaray dhinacyada amniga iyo horumarinta iskaashiga milateriga ee labada dal.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalkaas, Cabdulla Bin Zayed Al Nahyan. Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee labada dowladood.

Heshiiska ugu weyn ee labada dal kala saxiixdeen ayaa ahaa mid ku saabsan iskaashiga milatari. Qodobadan ayaa ka tarjumaya rabitaanka labada dal in ay iska kaashadaan sugidda amniga, la-dagaalanka khataraha caalamiga ah sida argagixisada, iyo in la xoojiyo awoodaha difaaca iyo tababarrada ciidamada ee labada dhinac.

Dhanka kale, waxaa la gaaray heshiis kale oo quseeya socdaalka iyo ammaanka xuduudaha. Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagula tacaalayo dambiyada abaabulan sida tahriibinta dadka iyo ka ganacsiga sharci darrada ah.

Waxa kale oo lagu balamay in la hormariyo nidaamka isdhaafsiga xogta iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa xuduudaha.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka dhow ee u dhexeeya Kenya iyo Imaaraadka, isagoo carabka ku dhuftay in arrintani ay ka tarjumayso dano iyo himilooyin ay wadaagaan labada dal. Wuxuu tilmaamay in ay ka go’an tahay Kenya in ay sii xoojiso wada shaqayntaas.

Dhinaca kale, Cabdulla Bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in Imaaraadka uu mudnaan gaar ah siinayo xoojinta xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga iyo horumarinta.

Wuxuu xusay in iskaashigan cusub uu ku dhisan yahay is-ixtiraam iyo dan wadaag joogto ah, gaar ahaan iyadoo Imaaraadku uu door muuqda ka ciyaarayo maalgashiga dekadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News