Kadib dilkii Axmed Dowlo, xildhibaan sameysay ballan qaad la xiriira hayb-sooca

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Canab Xassan Cilmi ayaa booqatay gabadhii iyo wiilkii dhawaan qaabka cunsuriyadda ah dhibaatada weyn loogu geystay magaalada Muqdisho.

Canab oo qoraal gaaban soo dhigtay barteeda Facebook ay ku sheegtay in aan loo dul qaadan doonin wixii hadda ka dambeeya in falalka noocaas ah bulsho ugu soo dhex laabato.

Xildhibaanada oo arrintaas ka hadlaysa waxa ay  tiri: Hablaha Soomaaliyeed waxaa waajib ah in ay helaan farxadda ah jecel yihiin, haybsoocna looguma diidi karo qof ay doonayaan in ay nolosha la wadaagam. Waxaan ka shaqeyn doonnaa in dhacdan foosha xun dib dambe umadda Soomaaliyeed ugu soo laaban.”

Dhacdadan foosha xun ayaa sidoo kale waxaa ka dooday xildhibaanada golaha shacabka oo sheegay in ay sharci adag ka soo saari doonaan falalka noocaas ah.

Xildhibaan Canab Xassan Cilmi oo ka mid ah hormuudka dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ayaa hore u ahayd gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee gobolka Banaadir ka hor inta aysan noqon xildhibaan qaran, sanadii 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com