Sacuudiga oo dacawadda Canada iyo Qatar ku soo bandhigtay NEW YORK

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo qeyb ka ah madaxda shirweynaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa khudbad uu shirka ka jeedinayay ku muujiyay dacwada ay dowladiisa wali ka tahay dowladah Qadar iyo Canada.

Wasiir Adel al-Jubeir, ayaa sheegay in Qadar ay wli ku heyso xadgudubyo ka dhan ah sharciyada dalkiisa waxa uuna tilmaamay in aan weli xal laga gaarin khilaafka khaliijka iyo xurgufta u dhaxeysa iyaga iyo Qatar.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in khilaafka jiraa aan wax xal ah loo heli doonin illaa inta Qatar ay wax ka bedaleyso siyaasadeeda.

Siyaasada Qadar ayuu sheegay inay cagsi ku tahay tan Sacuudiga, isagoona sheegay in Sacuudiga uu dulqaad badan yahay oo ay sugi karaan arrintan sanado badan.

Wasiir Adel al-Jubeir, waxa uu sidoo kale khudbadiisa shirka QM kusoo qaatay Dacwada ay ka yihiin dalka Canada waxa uuna halkaa ka cadeeyay inay weli raali gelin ka sugayaan dowlada Canada oo ay horaantii sanadkan xiisadi ka dhex aloosantay.

Dacwada uu Sacuudiga ka yahay Canada ayaa timid kadib markii ay ugu baaqday xukuumada Riyadh inay siideyso in badan oo kamid ah Dumarka u dooda xaquuqda haweenka Sacuudiga ee hada ku jira xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga.

Dowladaha Qadar iyo Canada ayuu Wasiirku sheegay inay ka sugayaan raali galin iyo inay wax ka bedelaan habdhaqanka Siyaasadooda.