Xiisad cusub: Shiinaha oo digniin culus siiyey Trump

Beijing (Caasimada Online) – China ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu aflagaado u geystay kaddib markii uu ku eedeeyey in ay doonayaan faragalinta doorashooyinka soo socda ee Congress-ka Mareykanka.

Trump waxa uu ka sheegay Golaha Ammaanka kulan ay Arbacadii yeesheen in Beijing ay faragalin ku hayso doorashada dhexe ee bisha November dhici doonta iyaga oo ka soo horjeeda sharciyada adag ee uu ganacsiga ka soo saaray.

“Ima doonayaan ama annaga in aan guuleysanno, maxaa yeelay waxaan ahay madaxweynihii ugu horreeyey oo China kula loolama ganacsiga guulo ayeyna ka gaarnay ganacsiga,” ayuu yiri Trump.

Laakiin mar uu saxaafadda Beijing khamiistii kula hadlayey afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda ee China Geng Shuang waxa uu sheegay in Beijing aysan farogalin umuuraha wadamada kale.

“Waxaan kula talineynaa Mareykanka in uu joojiyo eedeyntan iyo aflagaadan aan dhammaaneyn,” waxaa siyaas yiri Geng. “Jooji hadaladan qaldan iyo ficiladan dhaawacaya xiriirka labadeena dowladood iyo danaha aas aasiga ah ee labada dal, dadkooda.”

Dhinaca kale Geng waxa uu sheegay in iskaashiga China iyo Mareykanka caadi yahay.

“In sidan loo qeexo sida in dowladda China isku dayeyso farogalinta doorashada Mareykanka waa been aan sal iyo raad lahayn,” ayuu sii raaciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Islamabad
Caasimada@live.com