Sawirro: Arday Jaamacadda Jubba ka qalin jabisay oo xaflad loogu qabtay Xamar

Xaflada oo ka dhacday hoolka wayn ee beerta nabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro’ xildhibaano’ fanaaniin’ dhakhaatiirta ugu caansan M/Muqdisho.

Ugu joreyntii waxaa xaflada daahfuray Dr Diinow adan C/nuur oo ka tirsan Maamulka Jaamacada Isagoo Si diiran U soo dhaweeyay Marti sharaftii ka soo qeybgashay Xaflada.

Waxaa sido kale Munasabada ka hadlay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada Munasabada ka hadlay ayaa kala ahaa’ Xiildhibaan Yacquub Cali Maxamed ‘xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali’ Ex-Xildhibaan Maxed Amiin Xasan iyagoo si wadajir ah U bogaadiyay Xaflada & Mas’uuliyiinta Jaamacada.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Dr Cali Bile oo ka tirsan Mas’uuliyiinta isbitaalka Kaysaney oo iskaashi buuxo kala dhaxeeyo Jaamacada Juba ee Cilmiga & Tiknolojiyada Iyadoo isbitaalku u fududeeyo ardayda Caafimaadka inay Baraatiko ku qaataan Keysaneey hospital.

Waxaa sido kale Xaflada ka hadlay Drs Maryama Xasan Madaxa arrimaha bulshada ee Xafiiska Ra’isul wasaraha Iyadoo dhiiragilisay ardayda qalin badalatay kuna Tartarsiiyay inay Si Mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed .

Agasimaha guud ee Wasaarada Hidaha & Tacliinta sare Prof: C/ Shakur Xasan Fiqi ayaa isagana Munaasabada ka hadlay kuna booriyay ardayda qalin badalatay inay sii wadaan tacliinta Si ay U gaaraan Darajooyinka Cilmiga ee kala gedisan Mamulka jaamacada-na Ugu baaqay Howsha ay bulshada U haayaan In ay halkooda ka sii wadaan.

Ugu danbeytii waxaa xaflad soo xiray Gudoomiyaha Jaamacada Juba ee Culuumta & Tiknolojiyada Dr Cumar Siidow Zubeer isagoo U mahad-celiyay dhaman Marti Sharafta ka soo qayb-gashay Munaasabada Sidoo kale Bogadiyay Ardayda Dufcada Sedexaad ee ka qalinjibasay Kuliyada Health Science Isuguna jirtay Taqasusyo Kala gidisan- (laboratory’Nursing & Mid Wifery’Public Health) Tirada ardayda qalinjabisay ayuu Mamulka ku sheegay 70 arday isagoo ku dheeraaday Tayada Ardayda ay Jaamacada Soo Saartay & In ay jaamacadu Ka go’an tahay dhowrida Amaanada Cilmiga”