Madaxweyne Farmaajo oo siyaasiyiinta mucaaradsan DF u bixiyey magac cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka Ololaha dib usoo nooleynta Waxbarashadda Dadweynaha ayaa ka hadlay waxyaabo badan.

Madaxweynaha ayaa magaca cusub u bixiyey Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ee mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin (Siyaasiyiin Xanaaqsan).

“Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan hanjebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malah, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Isaga oo sii hadayay ayuu sheegay in Siyaasiyiinta xanaaqsan ay dadka gaarsiiyeen inay isdhiibaan oo ay rajada ka qaadaan taasina ay dadku dhimasho u dhaanto.

“Siyaasiga xanaaqsan dadka qalbi jabka iyo niyad jabka uu ku riday wuxuu sababay inay is dhibaan, qofka bani’aadankana markaa rajadii ka qaado waa dishay , dhimashaa dhaanta” ayuu sii raaciyey.

“Siyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina , Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina” ayuu hadalka kusii daray.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeytii ku baaqay in carruurta Goobaha waxbarashada loogu dhigo sharafta iyo dadnimada Soomaaliyeed, iyo si aysan u marin wadada Siyaasiga Xaqaanqsan.

Ereygaan ayuu Madaxweynaha kusoo ceceliyey dhawr jeer, ilaa hadda si gaar ah uma uusan magacaabin Shakhsi ama koox gaar ah balse waxaa la dareemayaa inuu ula jeedo Siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeedo..

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com