Kadib khasaarihii maanta gaaray dadka Dhuusamareeb oo qaatay go’aan culus

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saakay barqadii dab xoog leh oo ka dhashay bakhaarro lagu keydiyo shidaalka ayaa qabsaday dhowr goobood oo ganacsi, kuwaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaas ku sheegay lacag dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo dollar) iyo hal nin oo lug ka jabay intii lagu howlanaa deminta dabkaas.

Dhuusamareeb malahan wax gadiid dab-demis ah, balse wax ka yar 24-saac ayey dadka reer Dhuusamareeb ku go’aansadeen inay ku iibsadaan gaadiid dab-demis ah. Iyagoo iska uruuriyey inta badan lacagtii uga bixi laheyd.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in khasaarihii maanta ay wax badan ka barteen, sida ugu dhaqsaha badana ay dab-demis u iibsan doonaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo goobta tegay intii dabku socday ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay kharashka lagu soo iibinayo gaadiidka dab-demiska ah ku biirinayaan lacag dhan $22,000.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in hadda ay meel gaba-gabo ah u mareyso uruurinta lacagtaas, isla markaana saacado gudahood ay ku soo iibsan doonaan gaadiid dab-demis ah.

Sanadkan gudihiisa waa markii seddaxaad oo magaalada Dhuusamareeb uu dab ka kacay goobo ganacsi, isla markaana loo waayey wax lagu demiyo, sidoo kale waxaa xusid mudan in gabi ahaanba degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aysan ka howl-gelin wax gaadiid dab-demis ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha