Kadib kulankii aqalka sare maxaa mowqifka AXMED Madoobe iska beddelay?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa wali ku adkeysanaya in maamulka Jubbaland uusan ka qeybgali Karin shirka uu marti galiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Axmed Madoobe oo kulan khaasa saacadihii ugu danbeeyay la qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay adkaan doonto inuu horfadhiisto madaxda Villa Somalia.

Axmed Madoobe, waxa uu guddiga u xaqiijiyay in dowlada Dhexe ay go’aan cad ku gaartay inay wiiqdo awooda maamulada, balse waxa uu cadeeyay inaanu taa dhici doonin.

Madoobe, waxa uu sheegay in wadhadalka iyo ka qeybgalka ay uu imaankaro keliya marka ay dowlada Dhexe qirato dhibta ay ku heyso maamulada, isagoo inta ka horeysa sheegay inay ku adkeysan doonaan go’aankooda.

Mid kamid ah xubnaha Guddiga ee ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Axmed Madoobe oo wali u adkeysanaayo mowqifkiisa, balse waxa uu tilmaamay inay xooga saarayaan sida meel dhexe leysugu imaan lahaa.

Waxa uu intaa ku daray in shakiga ugu weyn ee uu qabo Axmed Madoobe uu yahay in lagu faragaliyo doorashada maamulkiisa, hase yeeshee xalka uu yahay mid dhaw.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Dhexe ku eedeeyay inay ka shidaal qaadaneyso xubno kasoo jeeda maamulkiisa oo kasoo horjeeda nidaamka dhismo ee Jubbaland, taasina ay ugu wacan tahay go’anka uu qaatay, marka laga soo tago dhaliilaha kale.

Haddalkan ayaa u muuqda mid lagu sii ololinaayo xiisada maamulada kala dhexeysa dowlada Dhexe, inkastoo ay suuragal tahay in xalka khilaafka uu soo degdego.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com