WAARE oo ka soo goostay madax goboleedyada kale lana heshiiyey dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaaday tallaabo u muuqata inuu kasoo goostay garabkii mamaul goboleedyada, isaga oo heshiis buuxa oo iskiis ah la gaaray dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle

Waxa uu sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Madaxweyne Waare ayaa uu ugu baaqay dowladda federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada kale ee weli khilaafka uu kala dhaxeeyo.

In kasta oo Waare uusan sheegin inuu ka baxay isbaheysiga madax goboleedyada, haddana tallaabada uu kula heshiiyey dowladda dhexe ayaa dhabarjab weyn ku ah, waxaana ilo-wareedyo ku dhow isbaheysiga ay sheegeen inay aad uga carrodeen go’aankiisa.

Go’aanka Waare, ayaa imanaya kadib toddobaad wada-hadallo hoose ay u socdeen isaga iyo dowladda dhexe, wada-hadalladan oo la rumeysan yahay inuu gadaal ka riixayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com