Tallaabo la sheegay Shariif Xasan inuu qorsheynayo oo walaac badan abuurtay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wado qorsho uu ku doonayo inuu ku sameysto waqti kororsi xilli ay arrintaas ka digtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiinta Dowladda Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa doonayo inuu si xoog ah waqti ugu korosi isla markaasna uu u hanjabo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Muddo kororsiga uu rabo Shariif Xasan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedo Dalladda Musharaxiinta Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 7 Musharax oo uu ugu cadcad yahay Fargeeti.

Dalladda musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah dalad ay ku mideysanyihiin dhammaan musharaxiinta isbedeldoonka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa soo dhaweeyey go’aankii xasaasiga ahaa  ee kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka.

Go’aanka ay soo dhaweeyeen musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa ahaa Doorashooyinka ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Soomaaliya in aan muddo kororsi la sameyn karin Doorashadana ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Doorashada xilka madaxtinimo ee koonfur gelbeed soomaaliya ayaa ah doorashada ugu horeysa ee kadhici doonta Dowlad Goboleedyada Dalka, ilaa iyo haatan ma muuqato saan saan muujineysa sida ay ku qabsoomi laheyd doorashada.

musharaxiinta isbedeldoonka ayaa arrintan ka walaacsan maadaama aysan muuqan ifafaalo muujineysa  waqtiga yar ee haray taas oo loo arko in maamulka waqtigiisa dhamaaday uu isku dayayo in uu muddo kororsi sameysto.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka soomaaliya ayaa war saxaafadeedkeda  ku sheegtay in aysan marnaba aqbaleynin muddo kororsi dhanka doorashada ah.

Dhammaan musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaaalada Baydhabo iyagoo  u diyaar garoobay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen doorashada  waxayna ugu baaqeyn Dowladda Dhexe in ay hubiso in doorashada waqtigeeda si xalaal ah ay u dhacdo.

Odayaasha iyo Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan Shiikh Aadan ka dalbaday inay doorashada waqtigeeda ku dhacdo isla markaasna loo baahan yahay inay deegaanadaas ka dhacaan isbadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com