Golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo qarka u saaran burbur & khilaaf jira

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabeelle ayaa heshiis la gaaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in dowladda sidoo kale la heshiiso dowlad Goboleedyada kale.

Warqad ka soo baxday Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle,Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dowladda Federaalka ah kala heshiiyeen tabashooyinkii maamulka.

Waxaa uu Maamulka Hirshabeelle ballan qaaday in uu dowladda Federaalka ah kala shaqeeyo in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada heshiiyaan.

Haddaba Caasimadda Online ayaa baaritaan xoog leh ku sameysay sababta keentay inuu Waare isku dhiibo dowladda dhexe isla markaasna uu kasoo goysto isbaheysiga ay sameysteen dowlad Goboleedyada.

Arrintaan xoogeeda ayaa waxaa sabab u ah Khilaaf soo kala dhexgalayh Maamul Goboleedyada taasoo ku aadaneyd in lala heshiiyo dowladda iyo in aan lala heshiin.

Madaxweynayaasha Hishabelle iyo Galmudug oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Xildhibaanadooda ayaa madaxda kale ee Maamul Goboleedyada u sheegay inay muhiim tahay in lala heshiiyo dowladda Dhexe isla markaasna aysan macquul aheyn in dowladda laga maarmo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isaga ku adkeysanayey inaan dowladda lala heshiin inta ay dowladda ka ogolaaneyso waxyaabaha ay rabaan oo ay ugu horeyso inaysan dowladda gacan siin musharixiinta u taagan qaar ka mid ah Maamulada.

Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa la safnaa Cabdiweli Gaas oo ay waligoodba Saaxiibo ahaayeen uuna aaminsan yahay inuu Gaas yahay ninka ka shaqeeyry dhismaha Jubbaland.

Shariif Xasan oo isna ah maskaxdii ka dambeysay kulanka madaxda Maamul Goboleedyada iyo dhismaha Golahaan ayaa aaminsan fikir mugdi ku jiro waxayna khudbadihiisa Kismaayo u muuqdeen kuwa aan kala caddeyn halka rasmiga ah oo uu jiro waxaana jiro shaki ku aadan inuu Maamul Goboleedyada ku fikir aheyn balse uu kaliya rabo inuu dowladda garab uga helo doorashada dhici rabto hal bil kadib.

Waxaa soo xoogeystay shaki weyn oo soo kala dhex galay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada waxaana laga yaabaa inuu burburo gebi ahaantiisba.

Deegaanada Maamul Goboleedyada waxaa ku sugan guddiyo uu aqalka sare u diray Maamul Goboleedyada waxayna u badan tahay inay heshiis la galaan Dowladda Dhexe, maadaama aysan jirin tallaabo kale oo u furan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com