Sir: Maxaa ka dhaxeeya DP World iyo Yahuuda? (Arrin xasaasi ah oo la kashifay)

Tel-Aviv (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo Imaaradka Carabta ka tirsan ayaa bishii Agoosto Israel u aaday sidii uu ugala xaajoon lahaa xiriirka ganacsi ee labadooda dal ka dhexeeya, sidaas waxaa werinaya qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

Ilo diiday in la xuso ayaa u sheegay werbka Arabii21 in Sultan Axmed bin Suleyem, maareeyaha shirkadda Dekeddaha ee ay dowladdu leedahay ee DP World, in uu booqday magaalada Tel-Aviv, si uu sare ugu qaado xiriirka ka dhaxeeya shirkadda iyo Israel.

Sida laga soo xiganayo turjumadda ay sameysay shabakada Middle East Eye, kulanka waxaa qaban qaabiyey Michael Vaknin, madaxa dhaqaalaha shirkadda JP Morgan Investment Bank, dadka ka qeygalay kulanka waxaa ka mid ahaa sidoo kale madaxa canshuuraha Israel.

Sida la wariyey, DP World waxa ay xiriir xooggan la leedahay shirkadda maraakiibta Israel, Zim Integrated Shipping Services Ltd iyo shirkado kale oo ay Israel leedahay.

Israel waxa ay si rasmi ah xafiisyo ganacsi uga furatay Cumaan iyo Qadar kuwaas oo markii dambe la xiray laakiin dowladda Yahuudda waligeed xiriir rasmi ah lama lahayn Imaaraadka Carabta sanadkan ka hor inta la ogyahay.

Dhowaan ayay ahayd markii Jeneral sare oo haysta ciidamada Imaaraadka uu sidoo kale booqday Israel, ayada Imaaraadka ay tababar ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka baranayaan Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com