Madaxweyne Mustaf Omar Cagjar muxuu ka aminsan yahay dagaalkii 1977-kii?

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaali Galbeed Muftafe Cumar Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay halgankii dhulkaas Soomaaliyeed loo galay.

Soomaali Galbeed oo ah dhul uu guumeystihii Ingiriiska u gacan galiyey Itoobiya ayey Soomaalida u gashay dagaal badan oo ay isaga rideysay heeriyada guumeystaha madaw.

Dhinaca kale dowladihii Soomaaliya ka hanaqaaday guumeysigii kaddib ayaa iyana dadaal ku bixiyey sidii ay ku xorreyn lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta guumeystaha

Waxaa xusid mudan dagaalkii 1977 ee ay Soomaaliya ku qabsatay gebi’ahaanba dhulka Soomaali Galbeed kahor inta aan xoog looga soo saarin kaddib markii wadmo badan oo uu Ruushka hoggaaminayo dagaalka soo galeen.

Markii ay dowladdii Soomaaliya bur burtay, waxaa halkiisii ka sii socday dadaalka ay Soomaalida ugu jirtay xorreyta dhulkaas, waxaana waday xoogag hubeysan sida ONLF oo halganka ilaa iyo hadda wadda.

Hadaba, isaga oo ka hadlaya halganaddii la soo galay iyo wali gaar ahaan dagaalkii 1977, madaxweyne Musrafe waxa uu yiri-

“Dhamaan halgamadii Soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.”

Muftafe Cumar, madaxweynaha Soomaali Galbeed waxa uu u bedelay Cabdi Maxamuud Cumar oo 10-kii sano ee u dambeeysay hoggaaminayey deegaankaas.

Madaxweyne Mustafe waxa uu wax ka badal ku sameeyey dastuurka isaga oo soo celiyey calankii hore ee deegaanka kaas oo ay ka muuqato astaanta shanta Soomaaliyeed ee ah XIDDIGTA soo koobeysa.