Reer Galmudug waxaa la gudboon “Isma-hurtey! Ha is halleen”! (Fallanqeyn)

Maamulka Galmudug oo ah curdan jira 3 sano iyo bar ayaa mar kale eebsaday shirkii Kismaayo, kadib markii uu kasoo kabsaday dhaawacii sanad ka hor kasoo gaaray Qaraabkii Madaxweyne Xaaf ee Abu dhabai.

Maamulka waxa uu dib ugu laabtay halkii uu joogay sanad ka hor garabkii Cadaado iyo garabkii Dhusamareeb, mana muuqdo qorshe lagu badbaadinayo oo ka socda gudaha iyo dibadda Galmudug.

Waxaa la gudboon Madaxda Galmudug in ay cashar ka bartaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Koofurta Sudan Selva Kiir iyo Riek Machar oo 2011 iyaga oo ka ahaa Madaxweyne ku-xigeen iyo Waziir dawlada Sudan dalbaday in ay Sudan ka goo’aan.

Dawlado iyo xulafo badan ayaana ku dhiiri-geliyey kuna taageeray, nasiib darro 8 sano kadib markii ay 4 Million oo qof ka dhigeen wax ay dileen ama ay dhaawaceen ama ay qaxiyeen, saaxiibadii ku dhiiri geliyey na ay garabkooda ka baxeen ayey Khartoum kusoo laabteen kana dalbadeen Madaxweyne Al-Bashiir in uu heshiisiiyo, Shidaalkana u furo.

Markaas ayey ku noqdeen halkii ay joogeen 8 sano ka hor oo ah; Madaxweyne iyo ku xigeen iyo baaba’ nafeed, mid hantiyeed iyo mid dawladnimo?.

Galmudug waxa ay u muuqaneysaa inay kusii socto dhabaha Koonfurta Sudan, waxaana la gudboon inay ka tashato aayaheeda, ka hor inta aanu arrinku xumaan.

Khilaafkii fogaaday ee madaxda maamulka waxa uu madaxa la galay xil ka qaadis isdabajoog ah, waxaana ka badbaaday Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir oo qudhiisa ay dabeeshu saameyn doonto.

Wadatashi iyo wax wada qabsi waxaa aasaas u ah Isfahan iyo in qofba qofka kale uu ku ixtaraamo mansabkiisa iyo xilka uu ka hayo maamulka.

Hadaba Madaxda Galmudug waxaa u haray 7 bil kaliya, waxaana la gudboon in ay is daba-qabtaan “Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo”.

Fursad yar ayey weli haystaan haddii kale waxa ay ka tegi doonaan taariikh bar madaw oo aan ka harin Magacooda.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)