Musharaxiinta K/GALBEED oo digniin culus loo diray

Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay digniin adag u kala diray Musharaxiinta u tartameysa xilka Hogaamiyenimo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Ku-simaha Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka beeraha maamulka KG Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in maamulka uu ka digayo in musharaxiinta ay awood iyo qalqal siyaasadeed ka dhex geystan gudaha magaalad.

Ku-simaha waxa uu tilmaamay inay qaadi doonaan talaabo waliba oo ay ku xakameyn doonaan musharaxiinta waa haddii ay isku dayaan in qalqal amni ay ka dhexsameeyan gudaha magaalada.

Wax uu sheegay in musharaxiinta ay xor u yihiin inay kasoo dagan Garoonka Shaati Gaduud, isla markaana ay ka dhoofi karan, balse aan laga aqbali doonin inay qalqal amni ka sameeyan deegaanada maamulka.

Waxa uu intaa ku daray in musharaxiinta ay siinayan xoriyad ilaa iyo xad ku filan, isagoo sheegay inay awood u yeelan doonaan in gudaha magaalada ay ku qabsadaan shir iyo ololo balse aysan ka aqbali doonin in amniga la qalqal galiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, ku-simaha ayaa musharaxiinta uga digay in ciidamadooda ay dhibaateeyan dadka shacabka, isla markaana laga doonayo inay qeybtooda ka ilaaliyan amniga maadaama lagu guda jiro xili doorasho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Baydhabo gaaray tiro musharaxiin ah kuwaa oo durba bilaabay ololahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com