BF oo soo gabagabeynaya maanta dooda amniga iyo go’aan laga sugayo Mursal

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay soo geba gabeynayaan doodii ku saabsaneyd dhinaca Amniga oo Isniintii soo bilaabatay.

Xildhibaanada oo labadii maalmood la soo dhaafay siweyn uga hadlay amniga,isla markaana ay walaac ka muujiyeen waqtigaan.

Dooda amniga dalka ayaa aheyd mid xasaasi ah oo Xildhibaanada Golaha Shacabka si aad ah uga hadlayeen, iyadoo inta badan Xildhibaanada hadlay eedeymo xooggan u jeedinayay Xukuumadda.

Howlwadeenada baarlamaanka ayaa sheegaya in tobaneeyo Xildhibaan ay ka hartay tiradii Xildhibaanada ee maalintii koowaad is qortay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si aad ah ugu dhaliilay Xukuumadda inay gabtay mas’uuliyaddii Amniga, isla markaana loo baahan yahay in Xukuumadda lagula xisaabtamo.

Inta badan Xildhibaanada ayaa dalbanayay in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana arrintan aheyd mid aad xasaasi u aheyd.

Kulanka Baarlamaanka oo Maanta galaya Maalintii Saddexaad ayaa waxa uu yahay kulankii ugu xasaasinaa tan iyo markii la doortay baarlamaanka 10-aad,waxaana intooda badan ay sheegeen in amniga Muqdisho uu yahay xilligaan sidii ugu xumeyd.

Waxaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya looga yeero taliyaal ciidan iyo xataa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si waxl looga waydiiyo arrintaan.

Sidoo kale waxa la filayaa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu arrintaan u xil saaro guddi taasoo ah dabeecad lagu yaqaan Golaha Shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya oo culeys weyn kala kulmeysay madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa haddana usii raacay culeys kale oo kaga imaanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com