Kadib SAACID: Yaa Ra’iisul wasaaraha cusub noqon doono? + Xog kale

Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu xilka ka qadaay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Saacid.

Waxaa u codeeyay mooshinka 184, halka 65 oo kaliya ay u codeeyeen iyadoo tirada guud ee xildhibaanada soo xaadiray kulanka ay ahayd 249.

Ra’iisalwasaaraha cusub

Haddaba waxa ay su’aashu tahay yaa noqon doono ra’iisalwasaaraha cusub? muxuuse kaga duwanaan doonaa kan xilka laga qaaday?.

Su’aasha kale ayaa waxa ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisalwasaaraha cusub ma isla dhameysan doonaan muddadii madaxweynaha loo doortay in uu xilka hayo oo ah ilaa 2016.

Qaar ka mid ah dadka aad ula socda siyaasadda soomaaliya, ayaa waxa ay qiyaasayaan in ugu yaraan laba toddobaad ay madaxweynaha ku qaadan doonto in uu ku soo magacaabo ra’iisal wasaare cusb, isagoo haysta muddo soddon maalmood oo kaliya.

Waxaana madaxweynaha mashquulin doono rag badan oo jaga doon ah.

Jago doon

Runtii way adag tahay in la saadaaliyo qofka noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub balse dad ku dhow-dhow madaxweyne Xasan iyo ragga ay xulufada ku yihiin xukunka, ayaa waxa ay tilmaamayaan in madaxweynaha ay u caddahay cidda uu soo magacaabayo.

Haseyeeshee waxa ay mas’uuliyiintaasi ka gaabsadeen in ay shaaciyaan magaca qofka uu noqonaya iyo shuruuradaha ay tahay in uu buuxiyo.

Dadka qaba fikirka ah in madaxweynuhu uu ogyahay cidda uu xilkaasi u dhiibaya ayaa waxa ay leeyihiin suuragal maaha in madaxweynaha oo taahan khibrad ku filan leh, uu ra’iisalwasaaruihiisa iscasil yirahdo isagoo aan hayn ciddii uu ku badali lahaa.

Maxaa xigi karo?

Balse waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu dadka ku qanciyo kartida ra’iisalwasaaraha cusub, gaar ahaanna baarlamaanka oo ugu dambeyntii laga doonayo in uu ansaxiyo.

Su’aasha ah ma isla dhameysan doonaan ayaa ah su’aal ay adagtahay in hadda la saadaaliyo. Waxana la sheegayaa in ay noqon karto dhowr siyaabood middood.

Waa tan koobaade, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka u kuur gala siyaasadda Soomaaliya oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa waxa ay isku raaceen in madaxweyne Xasan ay ku adkaan karto in baarlamaanku sida Saacid oo kale uu ka aqbali doono xilkaqaadista ra’iisalwasaaraha cusub haddii ayba dhacdo in ay isku dhacaan.

Tan labaadna, waxa dhici karto in haddii ra’iisalwasaaraha isku dhacaan madaxweynaha, uu ra’iisal wasaaraha iskiisa isku casilo iyadoo aan baarlamaanka la gaarin.

Tan saddexaadna waxa ay tahay sida ay khubarada tilmaamayaan, in ay arrintu ku dhamaato sidii arrintii ra’iisal wasaare Cabdiweli iyo madaxweyne Shariif oo ku wada shaqeynayay hindisihii Kampala ee beesha caalamku ay ku qasabtay in labaduba wada shaqeeyaan ilaa laga gaarayo xilliga doorashada, taaso keentay in labadooduba ay madaxtinimada u tartamaan kaddibna ay waayaan.

Xilli adag oo madaxweynaha ku soo food leh

Waxa kale oo ay khubarada tilmaamayaan in sidoo kale arrintu isbaddeli karto oo madaxweynaha meesha ka baxo sidii khilaafkii Ra’iisalwasaare Nuur Cadde iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, taasi oo ku dhamaatay in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf is casilo isaga oo aan dhameysan muddadii la doortay kaddibna Nuur Cadde uu u tartamo jagada madaxweynenimada haseyeeshe uu Sharif Sheekh Axmed ka guuleystay.

Ugu dambeyntii, xaaladahaasi oo dhan waxa ay muujinayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmi doono xilli adag dhinac kasto oo ay arrinta u dhacdaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culayska ugu weyn ee soo foodsaari doono waxa uu noqon doonaa ansixinta ra’iisalwasaaraha cusub iyo xukumaddiisa marka laga tego dhibaatooyinka kale ee horyaala madaxweynaha.

Isha: BBC